Filed Under:  WARARKA

GUDDOOMIYAHA JAALIYADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA HORDALAND HOGAAN BOGAADIN MUDAN.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland C/qaadir Axmed Raagge (Waayeel) ayaa wada howlo kor loogu qaadaayo Mooralka dhalinyarada gaar ahaan arrimaha shaqooyinka, kor u qaadista waxbarashada iyo waliba saameenta qeybaha kala duwan bulshada qaar ay ku yeelatay sugitaanka mudada dheer ee sharciga daganaashiyaha rasmiga ah ee dalka Norway.

Qaar badan oo ka mid ah bulshada ku nool magaalada Bergen ee gobolka Hordland ayaa si aad ah ula dhacay arrimahaan kuwaasoo amaan iyo bogaadin u jeediyey Mudane C/qaadir Axmed Raagge (Waayeel).

Ibrahim Farah Hassan oo ka mid ah dhalinyarada aqoonyahanada kuna nool magaalada Bergen ayaa sheegay in uu yahay Guddoomiye Waayeel mas’uul wax weyn qabtey mudana in lagu amaano dadaalada iyo doorka hogaamineed.

“Qofka mas’uulka ah ee shaqada hormuudka uga noqda bulshada ayaa ah mid horseed u noqda horumar iyo in la isaga daydo wax kasta oo wanaag ah” arrinkaasoo Ibrahim Farah Hassan ku tilmaamay in ay tahay dhiirigelin jaaliyada ku abuuraysa in ay howsha cid walba uga horeeyaan sidoo kalena lala yimaado is xilqaan.

Hadalkan waxaa kaaga muuqanaya in guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Hordland C/qaadir Axmed Raagge (Waayeel) inuu yahay hogaan bogaadin inaga Mudan.

Ugu danbeyntii waxaa leenahay mudane Guddoomiye hore u soco halkaada ka sii wad dadaalka iyo howlaha muga leh ee aad u heyso Jaaliyada Soomaaliyeed ee aad matasho.

 

W/Diyaariyey: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Email: baastey11@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments