Filed Under:  WARARKA

Raisal Wasaare kheyre oo Faray Golaha Wasiirada in ay soo dhameystiraan qorshe Hawleedkeedka Wasaaradaha ka hor inta uusan dhamaan sanadka 2018ka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo shir guddoomiyay kulankii golaha wasiirrada ayaa faray dhammaan wasiirrada xukuumadda in kahor dhammaadka bisha December ay dhamaystiraan hawlaha uga harsan qorsha hawleedka sannadka 2018-ka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhammaystirka qosha howleedka sannadkaan ay fududaynayso in si fudud loogu gudbo qorshayaasha qaran ee sannadka 2019.

Kulanka golaha wasiirrada ee maanta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhammaan warbixinno iyo hal-beegyada tubaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guulaysto sannadkaan dhammaadka ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments