Filed Under:  WARARKA

Faah faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar bambaano ah xalay ka dhacay xaruunta Dawlada Hoose ee Magaalada Boosaso

Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in qarax bambaano uu xalay ka dhacay Magaladaas.

Qaraxa ayaa dad ku sugan Boosaaso waxa ay sheegeen in uu yahay bam gacmeed xalay  lagu weeraray Xarunta Dowladda Hoose ee Magalada Boosaaso.

khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa waxaa lagu sheegay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca laba kale,waxana dadka dhintay u badan Ilaalada Xarunta Dowladda Hoose ee Magalada Boosaaso.

Qarax ka dib waxaa xigay Rasaas is daba joog ah oo  laga maqlay goobta uu qaraxa  ka dhacay Taa  soo lag sheegay inay ridayeen qaar ka mid ah ilaalada Xarunta.

Xaalada Magalada Boosaaso ayaa degan waxaana Xarunta la geeyay Ciidamo farabadna oo ka tirsan maamulka puntalnd

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments