Filed Under:  WARARKA

Diyaarad siday Ciidamo Boolis ah oo maanta ka degtay Magaalada Baydhaba

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ka degtay Diyaarad qaaas ah oo siday ku dhawaad 100 Askari oo ah Ciidamo Boolis ah.

Ciidamadan laga dajiyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in ay yihiin Ciidamo Boolis ah oo sigaar ah u tababaran,kuwaasi oo markii ay gaareen Baydhabo la geeyay Saldhiga Booliska Magaaladaasi.

U jeedada Ciidamadaan loo geeyay Magaalada Baydhaba lama Oga iyadoo Ciidamo Boolisah hore ay U joogeen Magaalada Baydhaba ee Xaruunta Gobolka Baay

 

5 Bisha soo socoto ayaa waxaa la filayaa inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,taasi oo ay ku tartamayan Musharaxiin dhowrah,waxaana doorashada ay noqon doontaa Mid adeg.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments