Filed Under:  WARARKA

Dagaal Culus oo ka socda gobolka shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya  deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan.

Dagaalkaasi ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,waxaana dagaalka uu sigaar ah u socdaa deegaanka Jilib-marka.

Dadka deegaanka Jilib-marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa GoboladaMeda waxa ay u sheegeen in dagaalkan uu yahay mid culus,isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana ka dhashay Khasaaro .

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in deegaanka Jilib-marka Ciidamada xoogga dalka ay ka weerareen dhowr jiho,waxaana deegaankaas ku Go’doonsan Ciidamo badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kala waxaa la sheegayaa in Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Xoogga ay deegaanka uu dagaalka ka socda kusii jeedaan,si ay ugu biiraan dagaalka.

Ilaa iyo hadda lama Oga Khasaaraha ragmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Jilib-marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments