Filed Under:  WARARKA

Wasiirka Amniga maamulka Koofur Galbeed oo ka war bixiyay Ciidamada Booliska ah ee maanta la geeyay Baydhaba

Wasiirka Amniga Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Xasan Xuseen Maxamed oo Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada la geeyay Baydhabo uu dalbaday Maamulka Konfur Galbeed.

Isaga oo arintaasi ka hadalaya ayaa yiri:

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Mudane Xasan Xuseen ayaa xusay in argagixisada Al-Shabaab ay doonayaan inay qal qalgeliyaan doorashada, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada la keenay magaalada ay gacan weyn ka geysan doonaan sugidda amniga magaalada Baydhabo.

AlShabaab waxa ay doonayaan inay falal amni darro ka geystaan deegaanada Koonfur galbeed, ciidankana waxa ay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxa ay u yimaadeen sugidda amniga, dowladda Goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya waxa ay ka midtahay dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada naloo keenay oo ka shaqeynaya Nabad gelyada”. ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments