Filed Under:  FACEBOOK MAXAA YAAL, MAQAALO, WARARKA

MOOSHIN KEENIS MISE MUUFO RAADIS!!! (QALINKA BILE BAASTEY).

Waxaa baryihii dambe kor u sii kacayay khilaaf siyaasadeedka xoogan ee u dhaxeeya madaxda Villa Somalia oo garab ka helaya Guddoomiye ku xigeenada Koowaad, Labaad, qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka kuwaa oo ay hormuud ka yihiin tiro Wasiiro danley ka mid ah Xukuumadda uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo garab ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo iyaguna taageero ka helaya Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

In ka badan 100-Xildhibaan ayaa gudbisey gelinkii dambe ee maanta mooshin kalsooni kala laabasho isla markaana xilka looga qaadayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, waxayna mudanayaashani ku eedeeyeen qiyaano qaran inuu galay iyagoo tusaale u soo qaatey dhiibistii muwaadin C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, Heshiiska uu la galay dowladda Itoobiya, ku tagri falida awoodaha qaranka, caburin, guud ahaan amniga dalka oo faraha ka sii baxaya, burburinta joogtada ah ee lagu hayo maamul goboleedyada iyo iyagoo tilmaamay inay jirto ififaalo digteetarnimo loona baahan yahay in laga hortago, halka uu guddoomay guddoomiyaha golaha Shacabka mooshinkaasi.

Waxyar kadib markii ay soo ifbaxday mooshinka laga gudbiyey Madaxweyne Farmaajo waxaa durba kullan deg deg ah yeeshay Guddoomiye ku xigeenada golaha shacabka ee koowaad C/weli Ibraahim Muudeey, Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano taabacsan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha haba ugu badnaadeed qaar safka wasiirada Xukuumadda Kheyre ka muuqda.

Garabkan waxay sheegeen inay ka horjeedaan mooshinka laga gudbiyey Madaxweynaha kaasoo uu guddoomay guddoomiye Mursal, mas’uuliyadeeda wixii ka yimaadana inuu qaadi doono ay dushaga kaga rideen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu burburiyay qeyb ka mid ah heshiis ay wada galeen, iyagoo tilmaamay in hadda la dareemayo fowdo dalkana qatar ku jiro waa sida ay hadalka u dhigeene.

Sida muuqata garabka ay hogaaminayaan Guddoomiye ku xigeenada golaha Shacabka iyagoo ka jawaabaya codsi kaga yimid Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay dadaal ugu jiraan sidii looga bad-baadin lahaa Madaxweyne Farmaajo Mooshinka laga gudbiyey, iyaga oo dhankoodana diyaarinaya mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, sida xogo ina soo gaaray ay sheegayaan.

Yaab, Amakaag, Fajac, Filan-waa iyo uurkutaalo xanuun badan ayay ku noqotay shacabka Soomaaliyeed markii maanta ay dhagahooda soo gaareen mooshinada iska soo horjeeda, waxaana shacabka ay xaqiijiyeen in mooshin keenista labada garaba ay yihiin kuwo muufo raadis ah oo aan xal loogu raadineen geedi socotka nabada iyo dowladnimada Ummadda Soomaaliyeed.

ALLE Qur’aankiisa waxa uu ku yiri “HAKA QUUSANINA RAXMADEYDA” ayaa haddana waxaa muuqata in mustaqbalka Soomaaliya uu mugdi sii galayo rajadii shacabkana ay sii baaba’ayso maadaama sida muuqata ay jirto fashil madaxda Villa Somalia, haddana xildhibaanadu mooshinada ay wadaan ay yihiin kuwo dhaqaale doon ah oo qolaba halka ay guno iyo kursi ka heleyso ku difaacaysa codkeeda halka ay danteeda gaar ahaaneed ka aragto…ogsoonowna faragelin shisheeye kama marna.

Dadka tacliiqiya siyaasada Soomaaliya ayaa intooda badan waxay isku raaceen in marka uu yimaado mooshin ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay tilmaamayso kuwo dhaqaale ama xilal sar-sare lagu doonayo oo aan lahayn wax qabad iyo xishood dadnimo midna.

Iyadoo inta badan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed aan lagu aqoon tanaasulka xilalka sare ee ay hayaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa tani waxay abuureysaa xasilooni darro siyaasadeed oo baaxad leh taasoo sababi karta dib u dhac hor leh iyo waliba fashil.

Mooshinada muufo raadiska ay keenaan Xildhibaanada Baarlamaanka waxay keentaa Amaan dari, maadaama ay saamayn weyn ku yeelato arrimaha amaanka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad oo aad moodo inay mooshinada ku kala qeybsameen ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay saacadihii ugu dambeeyey baraha bulshada, waxayna qaarkood eedeemo u jeediyeen garabka madaxweynaha difaacaya, qaar ayaa eedeymo kala dul dhacay garabka mooshinka ka keenay Farmaajo, halka qaarkood ay dusha sare ka eegayaan sida ay wax ku socdaan iyo halka gunaanadku ku biyo hoortaan.

Lama oga halka mooshinadan is-dhinaca socda ay ku dhammaan doonaan, hase’yeeshee waxaa hubanti ah in Saddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka midkood ama laba ka mid ah ku bixi doono.

Isku soo wada duub Xildhibaanada Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo iyagu matalaya Shacabka Soomaaliyeed ayaan ahayn kuwo shacab u hadla, waa xildhibaano qaarkood uu leeyahay Madaxweyne Farmaajo oo Codkiisa ku hadla, halka qaar kale haba ugu badnaadeen Wasiirada uu leeyahay Ra’iisul Wasaare Kheyre cidii uu yiraahdana Mooshin halagu soo rogo ay kusoo rogayaan qofkii kalena ay u arkaan in ay Mooshinadiisa waxoogaa dhaqaale ah ama jagooyin ku helayaan ay mooshin ka keenaan.

W/Qoray: Bile Maxamed Cabdi (Bile-Baastey).

Bergen-Norway

Igala soo xiriir

Email: baastey11@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments