Filed Under:  WARARKA

HOOYO SOOMAALIYEED OO WIILKEEDA LAGU HAYSTO LIIBIYA KAAS OO LA JIRDILAYO.

Maama Raxmo Maxamed Xasan (Indha-yare) ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel ay Joogaanba ka Codsaneysa in ay ka Caawiyaan sidii loogu Soo deyn lahaa Wiil ay dhashay oo 17jir ah laguna Magacaabo Axmed Maxamuud Cumar kaas oo u gacan galey Magafayaasha Dalka Liibiya.

Maamo Raxmo Maxamed Xasan oo ku nool Xerada Qaxootiga Nakivali ee Dalka Uganda ayaa intaa ku dartey in Wiilkeeda laga wadey Magaalada Kampala kadibna gacanta loo galiyey Magafayaasha Liibiya halkaa oo ay ku hayaan Muddo Saddex bilood ah.
Maamada waxa kale oo ay Sheegtay in Wiilkeeda uusan lacag haysan ayna dad halkan ka wadeen kuwaas oo Kharashka kabixinayey.

Maama Raxmo oo Indhaheeda illini Ka dareereryso islamarkaana Ooyneysa ayaa tilmaantey dhibaatada Wiilkeeda uu ku jiro waxa ayna tiri.

” Waa ay ila Soo hadleen, waxa ayna i weydiiyeen lacag dhan $9000 (Sagaal kun oo doolar) taas oo aanan heli karin.”

Hooyo Raxmo ayaa xustey in galab iyo Subaxba wiilkeeda ay jirdil ba,an ku hayaan waxa ayna ku hanjabeen in haddii ayna lacagta Soo dhiibin ugu danbeyn 15-ka bishan oo berri ah ay Wiilka kalyaha iyo beerka kala baxayaan.
Maamada waxa ay haysaa $2000 oo kaliya waxa ayna sheegtay in ay u diri rabto ayna ku baryootami doonto in laga Sugo inta dhiman wiilkana aan laga dilin.

Wiilkeeda oo Ooynaya ayaa goor walba lala Soo hadalsiiyaa kaas oo u sheegaya in ay dili rabaan kana Codsada Hooyadii in lacagta laga soo diro.

Sida ay Maamadu Sheegtay hadda gacan ayuu ka jabanyahay, Madaxa Dhiig ayaa ka Socda oo jug weyn ayey u gaysteen waxa uuna dhowr jeer galey Koma.

Hooyada oo aad u Walwaleysa islamarkaana Ooyneysa illina ay ka Socoto labadeeda indhood ayaa Ummdda Soomaaliyeed ka Codsatey in laga Caawiyo Siddii loogu badbaadin lahaa Wiilkeeda islamarkaana looga bixin lahaa lacagta Madax furashada ah

Wiilka ayaa mar walba Hooyada Ku Ooya isaga oo u Sheega in ay jirdil ku hayaan ayna u Soo Dhakhsato oo lacagta laga soo diro, iyada oo ay Maamaduna ayna awoodin bixinta lacagta intaa la eg.

Fadlan Caawiya Maamadan Dhibka Culus uu haysto ..waxaana laga helaa Tel. +256791957341 Dalka Uganda.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments