Filed Under:  WARARKA

SAWIRO: MARXUUN CABDI GANEY OO LAGU AASEY XABAALAHA NAKIVALI EE DALKA UGANDA.

Allaha u Naxariisto ee Cabdi Cismaan Nuur (Cabdi ganey) ayaa shalay galab lagu duugey Qabuuraha Muslimiinta ee Nakivali.

Aaska Marxuunka ayaa Waxaa ka soo qaybgaley Xubnaha Gudiga Maamulka Soomaalida, Golaha Odayaasha Soomaalida, Taliyaha Saldhiga Booliska Nakivali iyo Dadweyne badan oo ka tirsan Shacabka Soomaalida ku nool Nakivali.

Waxa uu ahaa Shaqsi Cibaado badan oo aan baajinin salaadaha Jameecada mar walbana ku tukada Masjidka sida ay sheegeen Culumada Masjidul Nuur oo uu ku tukan jirey.

Allaha u naxaiisto ee aad ayey u jeclaayeen reer Nakivali, waxa uuna kamid ahaa Odayaasha Nabadoonada ah ee Sida weyn loo qadariyo islamarkaana garta loo gaysto, isaga oo wakhti dheer Deganaa halkaa.

Gudoomiyaha Golaha Odayaasha Mudane Cabdirisaaq Maxamed Aaden ayaa Sheegey in uu ahaa nin ku weyn Soomaalida oo mar walba ka Shaqeyn jirey Nabada isaga oo yiri “, maanta waxaa naga baxay Shaqsi nagu weyn, waxa aana illaahey uga baryeynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo.”

Marxuunka ayaa Saaka u geeriyoodey Xanuunka Dhiig-karka oo uu qabey

Walaalayaal aan u duceyno in uu naxariistii jano alle ka waraabiyo, illaahayoow kitaabkiisa Midigta ka sii, intii uu kabaxayna Samir iyo iimaan ka sii ..Aamiin..aamiin.

Mohamed Faarah

Kambala-Ugandha.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments