Filed Under:  MAQAALO, WARARKA

IFTIIN IYO RAJO KA SOO DHEX-BIDHAANTAY SOOMAALIDA BERGEN.

Ugu horeyn mahad dhammaanteed waxa ay u sugnaatay ALLAAH, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayey korkiisa ahaatay, intaas kadib waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin halkaan u marinayaa Jaaliyada Soomaaliyeed Magaalada Bergen ee gobolka Hordaland, si gaar ahaaneed xubnaha musharaxiinta golaha deegaanka xisbiga Shaqaalaha (AP) oo dadaal dheer kadib markii ugu horaysay ay u suuragashay inay ka mid noqdaan Musharaxiinta loolanka golaha deegaanka ee sanadkaan dhici doona.

Magaalada Bergen oo ah Caasimada labaad ee dalka Norway iyo guud ahaan gobolka Hordaland ayayna horay uga dhicin Soomaali isku soo sharaxda musharaxnimada golaha Deegaanka, hase yeeshee sanadkan ayaa ah mid ka duwan sanadihii hore kadib markii saddex musharax ay ka soo dhex muuqdeen musharaxiinta lagu wado inay u baratamaan xubinimada golaha deegaanka iyagoo matal buuxa u noqonaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Bergen.

Rajada iyo yidi-diilada ay qabaan jaaliyada Soomaalida Magaalada Bergen iyo guud ahaan gobolka Hordaland ayaa ah mid aan la soo koobi karin kadib markii marqura ay ka soo dhex muuqdeen liiska musharaxiinta golaha deegaanka Ustaad Abdullahi Elmi Ibrahim iyo Aamina Amiin oo u sharaxan magaalada Bergen halka Kamal Haji Fiki uu yahay musharax Øygarden oo dhacda isla gobolkaan.

Haddaba maxay inaga mudan yihiin musharaxiintaan inoo ah iftiinka iyo rajada ka soo dhex-bidhaantay Jaaliyadeena…?.  Waxaan shaki ku jirin in muwaadin walba oo Soomaali ah kuna nool guud ahaan gobolka gaar ahaan caasimada labaad magaalada Bergen ee dalka Norway awoodna u leh inuu codkiisa kaga qeyb qaato doorashada inuu ugu hiiliyo codkiisa Muwaadintiintaan ay isku afka iyo jinsiyada wadaagaan, si bari matal buuxa ay ugu noqdaan jaaliyada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa ugu dardaarmayaa inay tusaale fiican oo lagu daydo ay u noqdaan Jaaliyada Soomaaliyeed, kuwa hamiga ka leh inay heerkan oo kale soo gaaraan iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Ugu danbeyntii balanteenu waa garab istaag guul u horseeda walaalaheen musharaxiinta ee gaashaanka inoo ah si guusha ay maanta gaaraan ay u noqoto mid taariikh samaysa maadaama aysan horay uga dhicin magaalada Bergen iyo guud ahaan gobolka xubno matala golaha Deegaanka kana socda jaaliyadeena.

Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey)

Bergen-Norway.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments