Filed Under:  WARARKA

Wararkii u dambeeyey qarax ka dhacay muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay agagaarka EX-control Balcad ee wadada Wershadaha

Qaraxa ayaa ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo wadada marayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu haleeyay mid ka mid ah gaadiidka AMISOM.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo Boolis ah, kuwaas oo gurmad ahaan u tegay

Haseyeeshee qaraxa labaad oo goobta ka dhacay ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen labo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments