Filed Under:  WARARKA

Dowladda Itoobiya oo bilaawday howlgal lagu burburiyay Guryo farabadan

Dowladda Itoobiya ayaa Xaafado duleedka ka ah Magalada Caasimadda ah ee Adis Ababa waxa ay ka bilaawday howlgal lagu burburinayo guryo laga dhisay dhulalka danta guud.

Howlgalkaas ayaa waxaa lagu burburinayaa Guryo gaaraya ilaa 10,000, kadib amar kasoo baxay Maamulka Magaalalada Legetafo-Legedadi oo Oromada ay u badan tahay sida ay baahisay Warbaahinta Itoobiya.

Qaar ka mid ah dadkii deganaa dhismayasha la bur buriyay ayaa Guryo la’aan noqday halka kuwo kale ay degeen Goobo Kaniiasado ah markii ay maqleen in uu jiro howlgalkaas guyaha lagu burburinayo.

Mas’uuliiyiinta dalka Itoobiya ayaa sababta guryahaasi loo bur burinayo waxa ay ku sheegeen inay la xiriirto qorshe la doonayo in dhulkan uu noqdo barxad ay dadweynaha ku nastaan,hayeeshee dad badan ay guryo la’aan noqdeen.

Howlgalka burburinta guryaha laga dhistay dhulka danta guud ee dalka Itoobiya waxaa looga golleeyahay qorshe la doonayo in dhulkan uu noqdo barxad ay dadweynaha ku nastaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments