Filed Under:  WARARKA

Dhegayso: DF-Somalia oo ka hadashay “Ciidamada Kenya ee dalka Jooga” Xili Xiisad ka dhexjirto labada dal (Waraysi)

Iyadoo dhowaan ay Dawladaha Kenya iyo Soomaaliya soo kala dhexgashay Xiisad Diblumaasiyadeed, Kadib markii Go’aan kasoo baxay Kenya ay ugu yeedhay Safiirkeedii Muqdisho, Sidoo kalana ay Safiirkii Somalia ku Amartay inuu dalkiisa Wadatashi ugu Noqdo.

Waxaana Markaasi xigtay Jawaab ay Dawladda Soomaaliya ka bixisay Eedaymaha Kenya, Iyadoo Xustay inaysan Waxba ka jirin.

Hadaba Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa la waydiiyey “Hadiiba labada dal Xidhiidhkoodii Mugdi galay, Inay Walaac ka qaabaan Ciidankii Kenya ka joogay dalka.” ?

DHEGAYSO MOWQIFKA DF-SOMALIA EE CIIDANKA KENYA

“Xidhiidhkii Kenya iyo Soomaaliya Weli Wuu Jiraa, Waxay ka Cabanayaan Waa wax horayaala Maxkamadda Caalamiga ah, Iyada ayaana Xukumi doonta, Balse Ciidamada Kenya waxay ku joogaan Soomaaliya Ogolaanshaha Dawladda Federaalka iyo Taakulo ay ka haystaan beesha Caalamka , Marka Arimo Diblumaasiyadeed oo labada dal ka dhexeeya ma saamayn doonto Ciidanka, Amniga Kenya waa Amniga Soomaaliya, Hadii Al-shabaab Furimaha looga baxo Gobolka oo dhan ayay dhibaato ku tahay, mana aha wax isi saamaynaya” Ayuu yidhi Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments