Filed Under:  WARARKA

Dhegayso: Xasan Jabhad oo ka hadlay Xaalada Itoobiya, Halgankii lasoo maray iyo Madaxwayne Mustafe Cagjar

Aqoonyahan Xasan Cabdilaahi Ducaale (Xasan Jabhad) oo ah halgamaa taariikh dheer ku leh noocyadii kala duwanaa ee halgamadii loo soo galay xoraynta Soomaali Galbeed kana soo qaybqaatay welina qayb ka ah ololaha xornimo doonka waxa uu sannadkii 1977 isaga oo 16 jir ah ku biiray Jabhaddii Xoreynta Soomaali Galbeed (WSLF). Xiligaas oo uu ardey ahaa qorigana waa uu qaatay oo halganka ayuu duurka u galay.

HALKAN dhegayso WARAYSI

Xasan Jabhad oo waraysi dheer siiyey Idaacadda Daljir ayaa walaac ka muujiyey xaalada maanta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), waxa uu nala qaybsaday waxyaabaha fashiliya halgan walba oo laga abaabulo dhulkaas cadaawadda guunka ah ee Itoobiya lagu maamulo, iyo waxa ay Itoobiyaanku ka aaminsanyihiin Soomaalida.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments