Filed Under:  WARARKA

Golaha Wasiiradda Kenya oo kulan deg dega ah ka yeeshay muranka Badda

Kulan uu shir gudoominaayay Madaxweynaha dalka Kenya Uhururo Kenyatta ayaa goor dhow kusoo dhammaaday Aqalka Madaxtooyadda dalka Kenya, waxaana looga hadlay Muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Golaha Wasiiradda Kenya ayaa intooda badan soo xaadiray kulanka Maanta, waxaana ay ku dhawaaqeen qorshe cusub oo ku aadan sidda ugu wanaagsan ee loo dhameyn karo muranka Soomaaliya iyo kenya.

Golaha Wasiiradda ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in Kenya ay ilaalsato badeeda sidoo kalena waxa ay sheegeen in saacaddaha soo socda ay soo saari doonaan qaraar ku aadan Muranka labadda dal ka dhex taagan.

Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa kulan ku sugnaa, waxaana Madaxtooyadda Kenya ay sheegtay in la dardargalin doono hanaanka Qaranimadda iyo ilaalinta dhulka iyo Badda Kenya.

Maalmo ka hor ayay aheyd Markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqay in ay ceyrisay Safiirkii Soomaaliya ee Kenya , islamarkaana ay u yeeratay Safiirkeeda Magaalada Muqdish

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments