Filed Under:  WARARKA

WAR DEG DEG AH: Dil wiil dhalinyaro ah loogu geestay degmada Xamar weyne

Wiilkan la dilay oo magiciisa aanan wali helin ayaa lagu dilay suuqa afar irdoodka meel aan sidaa uga fogeen oo ka tirsan degmada xamar weyne ee Gobolkan Banaadir.

Dableey bistoolado ku hubeysnaa la sheegay in marxuumka ay toogteen kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in marxuumka uu iibinayay Dharka somalida utaqaan huudheyda

Ciidamada dowladda oo dilka kadib gaaray goobta ayaa waxa ay ka qaadeen marxuumka iyagoo sidoo kale baaritaano ay sameeyeen ku guul dareystay inay kusoo qabtaan dambiileyaasha dilka fuliyay.

Lama garanayo sababta loo dilay wiilkaan dhallinyarada ahaa iyo cida ka dambeysay dilkiisa intabadan, balse dilka loo geystay ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ammaankeeda u muuqdo mid sii xumaanaya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments