Filed Under:  WARARKA

Maxamaduu Buhaari oo markale loo doortay madaxweynaha dalka Nigeria

Madaxweynaha haya talada ee dalka Nigeria Maxamaduu Buhaari ayaa ku guuleestay doorashada .madaxtinimo sida ay shaaciyeen saraakiiisha gudiga doorashada.

Ku dhawaaqida waqtiga hore ee arbacada maanta ayaa ka dhigan in 76 jirkaan markiisii labaad uu maamuli doono mudada afarta sano ee soo aadan wadanka ugu shacbiyada iyo dhaqaalaha badan qaarada Afrika.

Xisbiga Buhaari ayaa helay 15.1 million sida uu sheegay gudoomiyaha qaran ee gudiga doorashada Nigeria Maxamaduu Yakubu.

Ninka la loolamayay horayna madaxweyne ku xigeen uga soo noqday Nigeria mr Maxamaduu Atiku ayaa isna la yimid 11.2 million.

Mr Atiku oo ah hogaamiyaha xisbiga dimuquraadiga dadka ayaa wali ka hadlin natiijada uu shaaciyay gudiga doorashada ee dalka Nigeria.

Guusha Buhari ayaa imaaneysa iyadoo ololihii doorashada uu la kulmayay cadaadis xoogan oo ku aadan in uusan waxka qaban amni darada ku sii baaheysa waqooyiga Nigeria.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments