Filed Under:  WARARKA

Gaadiid xamuul ah oo ku xaniban inta u

Gaadiid xamuul ah oo ku xaniban inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Matabaan

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in gaadiidkii ugu badnaa ay ku xayiran yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baledweyne iyo Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.

Gaadiidkaas ayaa darawalada qaar waxa ay sheegeen in ay u xayiran yihiin sababo la xiriira lacago dheeri ah oo uu ku soo rogay Maamulka Gobolka Hiiraan, hayeeshee Gaadiidleydu aysan bixin karin.

“Runtii gaadiid fara badan ayaa ku xayiran inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Matabaan,maamulka ayaa lacago fara badan ka rabo mana awoodno, waxay noo sheegeen in lacagtaas lagu dhisayo buundada u dhaxeysa matabaan iyo Beladweyne oo bur bursan ayuu yiri mid ka mid ah darawalada gadiidkaas.”

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan ayaan la xiriirnay si aan wax uga weydiino, hayeeshee kama jawaabin taleefoonadeena, waxaana tani ay ku soo aadeysaa xilli darawalada qaar ay ka cabanayeen isbarooyin lacago farabadan looga qaado.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments