Filed Under:  WARARKA

Waa weeraray madaxtooyada cadaado

Yaa La Wareegay Madaxtooyaddaya Maamulka Galmudug.

Ciidanka Nabadsugidda maamulka Galmudug ee NISA ayaa xalay la wareegay gacan ku heynta Xarunta Madaxtooyadda maamulkaasi ee ku taalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Howlgalka lagula wareegay Madaxtooyadda Cadaado ayaa waxaa hogaaminaayay Taliyaha NISA qeybta Galmudug Cabdi Dheere ,iyadoona ay ka qeyb qaateen,Ciidanka Kumaandooska Danab ee 21-aad.

Madaxtooyada waxa markii hore gacanta kuhaysay koox gaar ah waxaana warar sugan aan helayno shegayan in uu amarka ciidamada nisa kulawaregen madaxtooyada ay bixisay dawlada soomaliya.

Maxamed cabdi aadan gaboobe agaasimaha madaxtooyada galmudug oo saaka radio dalsan lahadlay ayaa warbaahinta usheegay in dawlada xamar ay fawdo kawado galmudug, wuxuuna sidoo kalle shegay inay amar kusiyeen in ciidamada darwiishta galmudug udiyaar garooban ilna kuhayan dhaq dhaqaqa dawlada fadaralka soomaliya, wa sidu hadalka udhigay e.

Hadaba kunta iyo kunaanadka waxaa lafilaha dhawan in ay soo gaaran madax kasocota dawlada fadaraalka soomaliya, xirirka galmudug iyo dawlada oo aan awalba luga kutaagneen ayaa sii xumanaya.

Wixii Warar ah ee so kordha kala soco www.gobolada.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments