Filed Under:  WARARKA

SHIR KU SAABSAN DIB . U Eegista

Banbax Howleed ku Saabsan Dib-U-Eegista Dastuurka oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dib-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, oo socdyay muddo 5 maalmood ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti.

Intii u socday banbax howleedkan waxaa saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u diyaariyeen istiraatiijiyadda midaysan ee wacyigalinta iyo latashiga dadwaynaha ee dib-u-eegista dastuurka iyo qorshe howleedka midaysan ee latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee arrimaha dib-u-eegista dastuurka sanadkan 2019. Sidoo kale waxaa la isku raacay in bishan Maarso 2019 la bilaabo latashiyada iyo wacyigalinta dadwayanah ee ku saabsan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments