Filed Under:  MAQAALO, WARARKA

DHIIGBAXA SHACABKA MUQDISHO!!! (QALINKA BILE BAASTEY).

Waa argagax iyo murugo inteeda la eg marka ay dhagahaagu soo gaaraan ama aad daawatid muuqaalada ka turjumaya weerarada qaraxyada iyo kuwa beegsiga tooska ah ee lagu gumaadayo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, taasoo ay u sii dheer tahay dilalka qof qofka ah ee sida maalin laha ah uga dhac isla magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeendaaban.

Maalin walba waxaa qubanaya oo dhulka ku hooraya dhiiga shacabka magaalada Muqdisho, qaar badan waxay ku dhintaan qaraxyada iyo dilalka tooska ah markii ay dhiig-baxaan, qaarkood dhaawacyo daran oo halis ah ayaa gaara kadibna waxaa la dhigaa goobaha caafimaadka, dhiigbaxa ay la taahayaan awgiis waxaa u gurmada oo dhiigooda ku bad-baadiya si ay naftooda ugu huraan inta yar ee ka bad-baada masiibooyinka socda, ha ahaadeen dad ay xigto qaraabo yihiin, daris ama dad Soomaalinimo iyo si muslinimo ahba ugu sadaqeysta dhiigooda waana noocyadaas dhiigbaxa shacabka Muqdisho,  kuwaasoo sababsada qaraxyada xasuuqa ba’an sababa ee aad moodid inuu gaar u yahay shacabka Muqdisho.

Sida ay wax ku socdaan marka aad dhinac ka eegto waxaa kuu soo baxaysa in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho inay xukuman yihiin! Waxa ay ku xukuman yihiin dil qof-qof ah iyo waliba mid guud, waana Ummadd loo diidan yahay jiritaankooda iyo in dhibic ka mid ah dhiigooda uu baaqi ku sii ahaado jirkooda si ay nolol daganaan leh u helaan, waana arrin aysan ku baraarugsanayn reer Muqdisho.

Dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay waxaa duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole lagu xasuuqay haween dhowr ah, 9-ka mid ah goobtii ayay ku naf baxeen, tiro kale dhaawacyo heerar kala duwan leh ayaa gaaray halka laba haween ah iyagoo nool la watay kuwaasoo ilaa iyo hadda nolol iyo geeri midna aan lagu heyn, waana calaamado ka mid ah noocyada dhiigbaxa shacabka Muqdisho iyo deegaanada ku xeendaaban ku nool.

Sidoo kaleeto lix maalmood ka hor weerar qaatay in ka badan 20-saacadood ayna ku dhinteen in ka badan 27 qofood una badnaa shacab 50-meeyo kaleetana ku dhaawacmeen ayay Al-shabaab ka fuliyeen dhismayaal ku dhow Hotel Maka Al-Mukarama iyadoo burbur lixaadle uu u geystay dhismayaasha u dhow halka weeraradaasi xoogan uu ka dhacay.

Waxaa inoo xigay in maanta barqadii qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay nawaaxiga tiyaatarka qaranka, qaraxaasoo sababay dhimashada in ka badan 5-qof iyo tiro dhaawac ah sida warar si hordhac ah ay sheegayaan, waxaana dhici karta in khasaaraha dhiigbaxa shacabka Muqdisho uu intaasi ka sii bato.

Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkan saacada ka hor ka dhacay meel aan sidaa uga fogayn xarunta madaxtooyada Villa Somalia inay ka dambeeyeen isla markaana ay la eegteen goob ciidamada dowladda ay ku baaraan gaadiidka aada dhinaca madaxtooyada Soomaaliya.

Haddaba gunaanadka qormadeyda Ma is leedahay waxaa loo baahan yahay maqaam matala gobolka Banaadir kaasoo ay hormuud u noqdaan dhalinyaro Culumaa’udiin, Haween iyo waayeelo isugu jira oo guntiga u xirta, naftoodana u hibeeya shacabka Muqdisho si Ummaddu gobannimo iyo barwaaqo ugu noolaato gadaashood!! In kastoo aysan ii muuqan astaan dadkii isbadal samayntaas leh laga sugaayay ee xaalada Shacabkooda dhiigbaxa u dhimanaya badali lahaa.

Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey)

Norway-Bergen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments