Filed Under:  WARARKA

Qarax miino ayaa ka dhacay Jubbada hoose

.

Qaraxa oo sida la sheegay ahaa Miino oo lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa la tilmaamay in uu qabsaday Gaari Hoomey ah oo Khudaar waday,isla markaana ay saarnayeen Afar qof oo shacab.

Inta la Xaqiijiyay Labo qof oo mid ah Rakaabkii Gaariga saarna ayaa Dhaawac soo gaaray sida ay xaqiijiyeen ilo ka mid ah Dadka Degaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xiliga uu qaraxa dhacayay ay wadada ku socdaalayeen Ciidamada Kenya,waxaana la sheegay in Ciidamada Kenya ay Gaariga Hoomeyda ee Khudaarta waday ay ku amreen in uu ka hormaro,ayaga oo ka cabsi qaba in Al-shabaab ay wadada Miino ku Aasaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee Saaka aan ka heleyno Degaanka Taabta ayaa ku soo waramaya in Xalay ilaa iyo Saakay ay Ciidamada Kenya ay Degaankaasi kawadaan Howlgal ay ku xaqiijinayaan Amniga Degaankaasi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments