Filed Under:  WARARKA

TOP-NEWS: Xildhibaano diyaarinaya mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Tiro ka badan 100 Mudane kana tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay diyaariyeen mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanadan oo maalmihii ugu dambeeyey waday dhaqdhaqaaqyo ay isku uruursanayaan isla markaana ka doodayay sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kagadaal markii ay ku eedeeyeen in xukuumadiisa ku fashilantay amaanka dalka, isla markaana hadalo meel ka dhac ah uu u jeediyey Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya, taasoo keentay in ciidamada oo gadood mushaar la’aan ah isaga soo baxaan furimaha hore dagaalada ee gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose meelo ka mid ah.

Mudanayaashan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu u gefay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya, taasoo ay sheegeen inay u sii dheer tahay fashilka xukuumadiisa ka heysata Arrimaha amaanka Muqdisho, isla markaana ay u arkaan inaanay wax dan ah ugu jirin Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ku tilmaamay Xasan Cali Kheyre Nin xilkiisii gudan waayay isla markaana ku kacay Khiyaamo qaran, Ciidamo aan muddo 4-bilood mushaar iyo gunooyinkii ay xaqa u lahaayeen iyagoo aan helina ku tilmaamay ciidan qabiil, ciidan mushaar la’aan ahna aysan jirin sida uu yiri, sidaa darteedna uusan sii heyn karin Xilka Ra’iisul Wasaarenimada Soomaaliya.

Xildhibaano qaar ayaa barahooda bulshada ee Facebook-ka soo dhigay saacadihii ugu dambeeyey qoraalo ay Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqayaan inuu is-casilo kuwaasoo qoraaladooda ku muujiyey waxyaabaha lagu Eedeynayo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ma aha markii u horeeyay oo Xildhibaano ka tirsan Barlamanka ay Eedeyn u soo jeediyaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la filayaa in Mooshinkan la geeyo Baarlamaanka marka uu furmo kalfadhiga Baarlamaanka oo dhawaan loo balansan yahay.

 

W/Diyaariyey: Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey)

Email: baastey11@hotmail.com

Email: baastey10@gmail.com

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments