Filed Under:  MAQAALO, SHEEKO, WARARKA

ABWAAN CABDI HURDAAYE OO LAGU SOO DHAWEYNAY XERADA QAXOOTIGA NAKIVALI UGANDA.

Abwaan hurdaaye oo ah Nin Caan ku ah suugaanta Soomaaliyeed ayaa lagu Soo xasuustaa Riwaayadii DAMAC ADDUUN oo uu Abwaanka Sameeyey iyo Riwaayadii ugu danbeysay ee laga dhigo Golaha Murtida iyo Madadaalada magaceeduna aheyd MA MUDNEYD.

Abwaan Hurdaaye ayaa sidoo kale alifey heeso aad loo Jeclaa sida heesta erayadeedu ay ka mid ahaayeen..CAATOOBEY CEESH WAA KA GO’AY oo uu ku luuqeeyo Shimaali Axmed Shimaali iyo heesta HOBEEYA HEESTA WAA HADALKII HOREEYE….HOBEEYA HAWEEN DHAMAAN HADDII LA I HORKEENO HAWEEYOO KALE LAMA HELAAYO HANAANKEEDA oo iyadana ku luuqeeyo Axmed Shariif Killer.

Cabdi Yuusuf Hurdaaye waa Abwaankii ugu hereeyey ee Sameeya heeso Shirib ah….waxaana kamid ahaa heesta uu horey ugu luuqeeyey Fanaan Aweys Khamiis Mabuuse taas oo ay miraheeda kamid ahaayeen. FURUHII JANAAD AHEYD EE FARDOWSA FEERAHAAD KU TAAL.

Waxaan dhawaan idinla wadaagi doonaa Maansooyin badan iyo wacyigelin idin xiiso gelin oo uu Abwaanku ugu tala galey bulshada Soomaaliyeed.

W/Diyaariyey: Mohamed Farah Duurgal.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments