Filed Under:  MAQAALO, WARARKA

MUQDISHO MAGAALO KULANSATAY SHAR IYO KHAYR!!!.

Magaalada Muqdisho waa caasimada dalka Soomaaliya waxayna u dhaxeysaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed laakiin waxa maanta iyo sanadihii u dambeeyey ka socda waa Shar iyo Khayr is garab ordaya, waana hadba midka uu EEBBE weyne kuu qadaro kuuna soo hormariyo.

Haddii aan dhinaca wanaaga iyo khayrka ku daahfuro inagoo og inay dhiig baxayso dilkuna uu joogto yahay macnooyin fara badana ku gadaaman yihiin, haddana waxaa socda wanaag oo waxaa jira:-

Waxaa magaalada Muqdisho ka jira oo si caadi ah oo maalinle ah u shaqeeya Iskuuladdii, Jaamacadihii, Mac-hadyadii, Dugsiyadii Qur’aanka Kariimka, Shirkaddaha Isgaarsiinta, Shirkaddaha Duulimaadka, Carwooyin caalami ah oo qaarkood dhismayaal waa weyn ay ku yaalaan, goobo dalxiis oo dareenka qalbiga qofka bani’aadamka ahi u wanaagsan inay daawadaan sida xeebaha Liido iyo Jaziira, Koronto habeen iyo maalin aan libiqsan, Shirkaddaha Xawaaladaha, Warshado yar yar iyo kuwo waa weyn, Ceelal biyoodyo macaantoodu aad moodo biyo xareed, Idaacado iyo TV-yo fara badan kuwaasoo isugu jira qaar madax bannaan iyo kuwo dowladdeed, waana inta ugu wanaagsan nolosha bani’aadamka marka laga eego waxayna tani qeyb ka tahay Khayrka caasimadda iyo barwaaqada dhextaal.

Dhinaca sharta laga soo wariyo oo harsiga inoo diiday una muuqda mid dabar goy’n ah haddii aan inyar ka iraahdo waxaa si xowli ah uga socda Dil, Afduub, Dhac iyo Qaraxyo, magaalada qeyb ka mid ah waa mugdi cabsi kugu beeraysa, meelna waa iftiin.

Guud ahaan waxay arrimahani kugu beerayaan naxdin, caloolyow uurkutaalo xambaarsan, qalbi jab, wallow magaalada aysan maanta ahayn sidii ay horay u ahaan jirtay dhibaatooyinkii faraha badnaana ay sidii hore ka soo raynayaan, haddana waxa dhacaya  maalin waliba inta ay doonaanba hala ekaadaane waa kuwo dhibaatooyinkooda xambaarsan, qalbi jabna ku ah qof kasta gaar ahaan dadka ku nool magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaase ALLE uga baryaa inuu dhibka ka dulqaado.

Magaalada waxaa si aan cabsi lahayn maanta ugu raaxeysana qaar badan oo qeyb ka ahaa boqolaal qofood dhimashadooda, gawaari qurxoon ayay isaga damaashaadayaan cid wax ka weydiineysana ma jirto gadood faladii kala duwanaa oo ay geysteen….in iyaga ahmiyada koowaad ee shaqaaleysiinta lasiiyo mooyaane.

Gun iyo gunaanad Muqdisho waxba maysan bi’in dadkeeduna ma ahan kuwo wada xun laakiin waxaa ku hoos nool dad diidan inay magaalada Muuqeeda soo ceshato midab walba ayayna dadkaasi isku ekeysiiyaan, matalkii mudnaanta ay u lahaydna inay hesho looma ogola, dadkeeduna waxaa ku socda dabar go’a haldoorkii Banaadir lagu beegsado, haddii aan loo midoobinoo dhagartooda dhabaha loo gelin Muqdisho sidan bay sanado kale sii ahaan.

Bile Mohamed Abdi (Bile-Baastey).

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments