Filed Under:  WARARKA

Amiiro katirsan Al shabaab oo la qab qabtay

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Duqeymo iyo weeraro toos ah oo xaley kadhacey Degmooyin iyo deegaano katirsan Gobolka Jubada Dhexe.

Magaalooyinka Jilib, Sakow Bu’aale iyo Salagle oo kawada tirsan Jubada Dhexe ayaa lasheegey in weerarka ka dhacey.

Mid kamid ah saraakiisha amaanka Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegey in howl galkan uu gaar u ahaa ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo dhowaan dalka dibadiisa laga keeney, isagoo gacan kahelaayey sida uu sheegey saxiibada soomaaliya.

Howl galkan ayaa laga fuliyey afar xaruumood oo alshabaab xaruumahooda ugu muhiim san ahaa kuwaas oo intooda badan laga soo abaabuli jirey weerarada Xooga badan ee alshabaab kusoo qaadaan magaalada muqdisho iyo deegaano kale ee dhaca koonfurta soomaaliya.

Magaalooyinka Salagle iyo Saakow ayaa lasheegey in ciidamada Kumaan dooska soomaaliya Dagaal foolka fool ah lagaleen kuwa alshabaab oo qadar daqiiqado kahor laduqeeyey ayagoona diyaarada wadey ciidanka Kumaan dooska lasheegey in ay kasoo kacdey Gobolka Gedo.

Ciidankan ayaa mudo kooban lawareegey xaafado kamid ah degmada saakow.

Sidoo kale salagle ayaa lasheegey in ciidanka ay lawareegeen wado kasoo gasha dhanka gobolka Gedo mudo 20 daqiiqo ahna halkaa gacanta ku haayeen

Degmada Bu’aale ayaa lasheegey in laduqeeyey Gurigii waaliga Gobolada Jubooyinka Abuu Cabdalla walow laxaqiijiyey in uu weerarka ka bedbaadey.

Dhanka kale Degamada Jilib ayaa lasheegey in laduqeeyey kolayo ciidan oo halkaasi marayey oo kusii jeedey dhanka Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana lasheegey in halkaasi lagu duqeeyey kudhowaad 50 gaari oo ay wateen ciidamada alshabaab.

Xiriiro aan lasameyney dadka deegaanka ayaa noo suura galin waxaana gebi ahaamba maqan qadka isgaariisnta deegaanadaasi.

Sarkaal katirsan sirdoonka soomaaliya ayaa warbaahinta qaar usheegey in ay xaqiijiyeen geerida 513 askari oo katirsan dagaalamayaasha alshabaab iyo dhaawac ku qiyaasey 207 nin, halka 4 askari oo dagaal yahanada alshabab uu sheegey in ay gacanta ku dhigeen kumaan dooska soomaaliya majirto ilo madaxbanaan oo xaqiijin karta sheegashada sargaalka, balse hadii uu rumowdo sheegashadan waxey noqoneysaa dharxbaaxo culus oo loogeestey dagaal yahanada alshabaab.

Dowlada soomaaliya ayaa dooneysa in ay lawareegto degmada bu’aale bisha soo socota sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan hogaanka howl galada kasocoda Jubada Dhexe

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments