Filed Under:  MAQAALO, WARARKA

XAFLADII SOO DHAWEYNTA CALI AMEERIKO OO SI CAJIIBA UGA DHACDEY NORWAY+SAWIRO.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay isla markaana isugu jirtay soo dhaweyn iyo taageero loo muujiyey guddoomiyaha xisbiga Isbaheysiga Soomaaliyeed Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa xalay waxaa lagu qabtay magaalada Bergen oo ah caasimada labaad ee wadanka Norway, Waxaana kasoo qeybgalay xafladaasi dadweyne aad u badan oo ka kala yimid xaafado fog fog iyo magaalada Oslo.

Dadka meesha yimid waxaa ka muuqatay taageero badan oo ay Xisbiga Isbaheysiga Soomaaliyeed u hayaan kaasi oo uu guddoomiye ka yahay Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Waxaa hadalka furay Abdul M Ahmed iyo C/kariin Maxamed Cali oo labaduba ahaayeen xirriiriyihii madasha kullanka Waxaana ay dadkii halkaasi fadhiyey uga mahadceliyeen kasoo qeybgalkooda, iyagoona dhinaca kale sharaxay ujeedka xaflada xalay ka dhacday magaalada Bergen taasi oo ay ku sheegeen inuu yahay mid lagu soo dhaweynayo Guddoomiyaha Xisbiga Isbaheysiga Soomaaliyeed Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko iyo taageero u muujinta.

Imaam Abdi-ladif Abdilahi Ahmad ayaa ugu horayn ku furay aayadaha qur’aanka isagoo cabsida EEBBE kula dar-daarmay, halka uu ku amaanay Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko howshiisii safiirnimo mudadii uu soo ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya, halka uu si gaar ahaaneed ugu mahadcaqay ururka Haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland.

Xamdi Xaaji oo ka mid ah odayaasha magaalada Bergen ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in magaalada booqasho ku yimaado Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko, kuna sifeeyey inuu astaan qaran u yahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland Maryan Aadan Cigale ayaa dhankeeda si diiran u soo dhaweysay imaatinka guddoomiyaha xisbiga Isbaheysiga Soomaaliyeed Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

“Ma ahi dadka jecel inay hadlaan…waa soo dhawaynaynaa walaalkeen siyaasiga ah ragg iyo dumar labadaba…Bergen siyaasiyiin ma aanu keeni jirin

Laakiin xoogaa hadda ayay inoo bilaabatay way inoo sii socon doontaa, wax badan ayaa qabsoomi doona, dhammaantiin aad ayaa ugu mahadsan tihiin waqtigiina qaaliga ah ee aad inoo soo hurteen, muuqaalkan quruxda badan waxay ka turjumaysaa midnimada iyo jacaylka aan walaalkeen caawa u muujinay” ayay tiri Guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland Maryan Aadan Cigale isla markaana ka mid ahayd dadkii suurtagaliyey qabsoomida kullanka soo dhaweynta Guddoomiyaha xisbiga Isbaheysiga Soomaaliyeed Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

C/qaadir Axmed Raage Waayeel Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Bergen ayaa dhankiisa ku tilmaamay Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko inuu yahay halyeey qaran, laguna xasuusto soo celintii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo tusaale ku dayasho mudan ku tilmaamay waxqabadkii mudadii uu xilka safiirnimo hayey uu muujiyey.

Afhayeenka ururka dhalinyaradda Soomaaliyeed ee dalka Norway ahna wakiilka Xisbiga wadajir ee isla dalkani Farxaan Cali Xalane oo ka yimid magaalada Oslo ayaa amaan ugu qubeeyey jaaliyadda Soomaaliyeed magaalada Bergen, halka uu Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko ku sifeeyey inuu yahay shaqsi ku dayasho mudan….isagoo mahad ballaaran u jeediyey.

Xildhibaan C/laahi Cilmi Ibraahim ayaa sheegay inay sharaf u tahay reer Bergen imaatinka Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko isla markaana kala qeyb qaato socdaalkiisa nabada oo uu ku tagay meelo badan oo ka mid ah Dalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee reer galbeedka, isagoo uga mahadceliyey waxqabadkiisa shaqsiyadeed ee uu bulshada u qabtay.

“Waxaan marka hore rabaa in aan u mahadceliyo qabanqaabiyayaashii xafladan quruxda badan, gaar ahaan ururka Haweenka oo uu wehliyey Xildhibaan C/laahi Cilmi Ibraahim oo ugu soo dhaweeyeen garoonka diyaaradda maalintii shalay…si la mid ah waxaan u mahadcelinayaa walaalkey Farxaan Cali Xalane oo inooga yimid magaalada Oslo…si la mid ah waxaan u mahadcelinayaa kasoo qeybgalayaasha kullanka” ayuu ugu horayn yiri Guddoomiyaha Xisbiga Isbaheysiga Soomaaliyeed Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Sidoo kale Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo sida uu sheegay ku dhashay magaalada Muqdisho laakiin in badan soo ahaa qurba joog ayaa ku amaanay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Bergen sida ay u mideysan yihiin isla markaana isku xilqaamaan si ay bulshadooda uga warqabaan gudaha iyo dibada.

Waxa uu soo si qoto dheer kaga hadlay socdaal uu ku tagay meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo Janaay, qeybo ka mid ah gobolka Mudug oo ay ka jiraan maamulada Galmudug iyo Puntland, si la mid ahna uu tagay deegaano ka mid ah maamulka Somaliland, hase yeeshee Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko waxa uu ka cudur daartay in socdaalkiisii Soomaaliya uusan tagin deegaanada maamulka Hirshabeelle waxa uuna muujiyey dareen uu kaga xun yahay inuu gobolka Hiiraan uu booqan waayay, balse uu rajaynayo inuu mar un booqdo.

Dadweynihii goobta joogay ayaa dhammaantood wajiyadooda waxaa laga dheehan karay farxad iyo reyn-reyn ballaaran oo ay u muujiyeen Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko, iyadoona ururka Haweenka ay guddoonsiiyeen hadiyo sharafeed aad u qurux badnaa.

Intaasi kadib waxaa hadalka la wareegtay Sahro Xuseen Xasan oo ka mid ahayd qabanqaabiayaasha xaflada soo dhaweynta ayaa u mahadcelisay kasoo qeyb galayaasha, halka ay ku boorisay in laga fakaro dalka Soomaaliya, waxayna muujisay jacayl weyn oo ay u qabto dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

“Wadanka waa wadankeena waa in aan jeclaanaa…Soomaaliya ha noolaato…Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko waa ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad inooga aqbashay in aad magaaladan inagu soo booqatid” ayay tiri Sahro Xuseen Xasan.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi heeso u badnaa kuwo wadani iyo jacayl ka qaaday Xasan Rooti oo ka mid ah waxgaradka magaalada Bergen, heesahaasi oo badashay dareenka shacabkii halkaasi fadhiyey.

Si kastaba xaflada soo dhaweynta Amb: Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo ah Guddoomiyaha xisbiga Isbaheysiga Soomaaliyeed ayaa ku soo dhammaatay jawi quruxdan oo ay la dhaceen martidii ka soo qeyb gashay oo halkaasi loogu diyaariyey casho fudud dhammaadkii xaflada kadib, waxayna noqotay xafladii ugu quruxda badnayd ee lagu qabto magaalada Bergen muddo aad u fog.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA:=

W/Diyaariyey: Bile Mohamed Cabdi (Bile Baastey)

Bergen-Norway.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments