Filed Under:  WARARKA

Halis kuso wajahan bulshada degmada Baxdo

Fiqi oo halis gelinaya Nolasha bulsho badan.

Axmed Macalim Fiqi ayaa Shalay amar ku bixiyay in la xiro odayaal dhaqan oo ka bixi rabay degaanka Baxdo ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ku sii jeeday Al-shabaab oo u wacay.

Daqiiqado kadib markii odayaashaas la xiray Al-shabaab ayaa degaanka ka Afduubtay dad kale oo ay tuhmayaan in ay soo far muuqeen kuwii la xiray. Maanta ayey markale degaano kale Al-shabaab ka afduubteen odayaal iyo shacab kale oo bulshada kamid ah.

Wasiir Fiqi haddii uusan dadka ka difaaci karin Al-shabaab waxaa la gudboon in uusan colaad u abuurin dadka degaanka. Ceebta dul hoganeyso ayaa ah in uu ilaalin waayay amniga degaan uu maamulkiisa ka taliyo oo inta la soo galay dad laga afduubtay.

Dhacdooyinka degaanka Baxdo iyo degaanada kale waxay abuureysaa xaalad halis ah waxaana ugu wacan amar aan laga fiirsan oo ka soo baxay Wasiir Fiqi. Waxaan ku talinayaa in dad aan amnigooda la damaanad qaadi karin aan colaad loo abuurin.

Al-shabaab oo ka taliya degaano badan oo Soomaaliya ah waxaa la macaamila bulsho badan sabab la xariirta badbaadada amnigooda, hantidooda iyo bulshada kale oo ay matalaan.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa canshuur ka qaada ganacsato badan, sidoo kale Dekadda Muqdisho ayey canshuur ka qaataan sida la sheegay waxaana arimahaas oo dhan keenaya cabsi ay bulshada qabaan iyo gaabis dhanka dowladda ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA