Filed Under:  WARARKA

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan labbada gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug oo uu ka mid yahay wasiirka amniga gudaha Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta booqday xerada Indha-qaris oo loo asteeyay in lagu xareeyo ciidamada loo diyaarinaayo Daraawiishta Galmudug.

Qorshaha kormeerka madaxweynaha ayaa gogol-xaar u ah diyaarinta ciidamo awood leh oo uu yeesho maamulka, si loogu guuleysto xaqiijinta amniga Galmudug iyo xoreynta dhulka ka maqan gacanta maamulka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa si toos ah ugu wareejiyay madaxweyne Qoor-qoor ciidamada ku xareysan xerada oo tira ahan ku dhow 350 askari iyo gawaari ciidan oo ay wataan.

Wasiirka ayaa sidoo kale goobta ka sheegay in ay wali harsanyihiin ciido kale oo maleeshiyaad ah kuwaas oo maalmaha soo aaddan soo xaroon doono.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa ballan qaaday xuquuqda ciidankaan la xareeyay iyo kuwa kale ee soo xaroon doono, wuxuuna sheegay in maanta laga billaabo ay yihiin ciidamo matala Galmudug oo aysan maleeshiyo beeleed, lagana rabo in ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, ilaaliyaanna wax walba oo wax u dhibaya sharafka Galmudug-

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA