C/raxmaan C/shakuur oo qeylo dhaan ka soo saaray is bedelka Talisyada Nabadsugida iyo Booliska Gobolka Banaadir

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa si weyn uga hor-yimid tallaabada Xukuumadda ay qaaday ee is bedelka loogu sameeyay Taliskii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir, kuwaasoo loo wareejiyay Ciidanka Booliska.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in tallaabadaas ay sharaf dhac ku tahay magaca iyo maqaamka hey’adda ugu faca weyn Ciidanka Soomaaliyeed ee Booliska, isagoo si maldahan u weeraray Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir oo loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

“Sharaf dhac ayey ku tahay magaca iyo maqaamka Hay’adii ugu faca wayneed Ciidanka Soomaaliyeed in shakhsiyaad dadka iyo dalka danbi ka galay xil sare looga dhiibo. Waxaa kaloo sumcad dil ah in Booliska Soomaaliyeed ee ay hawshiisu ahayd ka hortaga danbiyada laga dhigo goob loogu raad tiro danbiilayaal laguna meeleeyo maleeshiyaad kusoo fashilmay masuuliyadoodii, qaybna ka ahaa caburinta shacabka iyo weerarka siyaasiinta”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa horay ugu eedeeyay Saadaq Joon inuu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday gurigiisa ee dadka badan lagu dilay, isagoo ku tilmaamay tallaabada loogu magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ay dhabarjab ku tahay heshiiskii Hindisaha Amniga Qaranka (National Security Architecture), gaar ahaan Barnaamijika Wadajirka ah ee Boolisnimada heer maamul Goboleed iyo mid Federaal ah (A Joint Policing Programme (JPP).

“Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka, gaar ahaan gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha in ay arrinkaas baaritaan ku sameeyaan”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Ugu dambeyn waxaa uu saraakiisha ciidamada Booliska ugu baaqay kacdoon, isagoo u sheegay inaysan aqbalin sharaf dhaca iyo sumcad dilka lagula kacayo Ciidanka Booliska Soomaaiyeed, xitaa hadii ay xilkooda kalifto.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments