Filed Under:  MAQAALO

TAARIIKHDOODA BARO INTA AADAN LA MIDOOBIN, TAXANAHA ITOOBIYA SEDDEX KUN OO SANO – QAYBTII 1AAD

Wixii ka dambeeyey booqashadii Raysal wasaaraha Itoobiya uu ku yimid magaalada Muqdisho iyo war-murtiyeedkii muranka dhaliyey ee ay Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaaruhu wada jirka u qabteen, waxaa jirey doodo iyo falanqaymo ay bulshada Soomaaliyeed ka bixinayeen siyaasadda iyo wadada cusub ee uu Raysal wasaare Abiy Ahmed ku hagayo dalkiisa iyo qorshaha uu usoo bandhigay madaxda Soomaalida ee ay iyana duuduubka u liqeen.

Qormadaan iyo dhawr qormo oo kale oo ka dambayn doona ayaa ah taariikh iyo raadraac kooban oo ku saabsan taxanaha Itoobiya dad iyo dal. Ujeedada qormadaan ayaa ah inay kuu fududayso faham kugu filana kaa siiso taariikda dad waynaha Itoobiya iyo xirriikii uu la lahaa bulshooyinkii ku xeernaa ee ay Soomaalidu ka midka ahayd. Dulucda qormadaani maahan mid loogu talagalay inay cadaawad abuurto ama boogo horay u bogsaday ay xanuunkoodii dib usoo celiso, ee waa taariikh iyo taxane ay leeyihiin boqolka milyan ee aynu dariska nahay, loona baahan yahay in loo yeesho dhugmo iyo kasmo dheeraada.

BILOWGII TAARIIKHDA IYO HAYAANKII XAAMIYIINTA

Sida ay qabaan raadraacayaasha taariikhdu kumanaan sano dhalashadii nabi Ciise ka hor ayay ahayd markii ay ka soo talaabeen badda cas qabaa’il Xaamiyiina oo xoolo dhaqataa, kuwaas oo salka dhigay waqooyiga dhulka iminka loo yaqaan Itoobiya, xeebaha Ereteriya iyo bariga Suudaanta maanta. Qabaa’ishaan oo bah wadaag la ah Soomaalida ayaa la rumaysan yahay inay ka soo kicitimeen buuralayda Qooqaasiya (Caucasus) oo ah dhulka jooga sareeya ee u dhaxeeya badda madow iyo badda Caspianka, sabab aan illaa haddeer la cayimin.

Qabaa’ishaan oo ay ka mid yihiin Beejaha, Agoa iyo Saahaha ayaa wali waxaa laga helaa dhulkii aynu tilmaanay. Inkasta oo qabaa’shaani dhaqato ahaayeen aan ilbaxnimo ka samayn dhulkii ay daganaayeen, haddana waxay isir wadaag ahaayeen ilbaxnimadii Kush iyo Nubia ee ka hana qaaday Suudaanta manta, caasimadana ay u ahaayeen magaagaalooyinka Kerma iyo Meroe. Waa ilbaxnimadii uu taariih yahankii waynaa ee Herodotus ee noolaa qarnigii shanaa Ciise ka hor uu ku xusay kitaabkiisa taariikda, ee uu u yaqaanay Itoobiyaankii cimriga dheeraa.

 

DHIDIBBA TAAGGII ILBAXNIMADA IYO HIJRADII SABA’IYIINTA

Saddex ilaa siddeed boqol oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise ayaa mar kale waxaa badda cas ka soo tilaabay qabaa’il hayaana oo ka soo kicitimay gobalka Ma’rib ee dalka Yaman.
Hijradaan ayaa waxaa loo aanaynayaa dumistii uu dumay biyo xireenkii waynaa ee Ma’rib iyo daaddadkii ka soo rogmaday, waana qisada uu quraanku ka waramayo ee ay suuratu Saba kusoo aroortay. Qabaa’ishaan oo ahaa Saamiyiin ayaa waxay iyana salka dhigeen dhulka jooga sare leh ee waqooyiga Itoobiyada maanta. Xabashida, Tigreega iyo Guraagaha ayaa ka mid ahaa qabaa’ishaas hayaanka ku yimid.
Si ka gadisan Xaamiyiintii ay dhulka ugu yimaadeen oo ahaa xoolo dhaqato, qolyahaan dambe waxa ay ahaayeen qodoto dalaga beerta. Waxay ka yimaadeen gobol ay ka jirtay ibaxnimo iyo wax soo saar qodaalka ku salaysan. Markiiba waxay isku fidiyeen dhulkii sare ee beerista iyo qodaalka ku wanaagsanaa, wax yar ka gadaalna waxay noqdeen bulsho isku filan, taas oo u fududaysay inay dhidibada u taagaan dawlad iyo nidaam siyaasadeed bulshada kala haga.

Waxay dhiseen dawladdii loo aqoon jirey Axumateka ee saldhigeedu ahaa magaalada Aksum.
Magaca Axumate ayuu ahaa magacii loo aqoon jirey boqortooyadii dhulkaas ka talin jirtey kaas oo waagii dambana isu badalay Abyssinia oo ah Xabasha ama Abasha oo ay laatiinku dhawaaqa ka xumeeyey. Magaca Itoobiya ayaan marna loogu yeeri jirin dhulkaan iminka loogu yeero wixii ka horeeyey bilawgii qarnigii labaatanaad. Itoobiya oo ah kalmad giriiga micnaheeduna yahay wajiyadii gubnaa ayaa loo aqoon jirey dhulkii ay ka talin jirtay boqortooyadii iyo ilbaxnimadii Kuush ee aynu kor ku xusnay oo ahaa qayb kamida Masar iyo Sudaanta maanta. Waa dadkii uu Herodotus ku sheegay in ay ahaayeen kuwii ugu quruxda badnaa ugu cimriga dheeraa uguna dahabka badnaa ee uu arko. Eeg taariikhada Herodotus buugga saddexaad.

QAADASHADII MASIIXIYADDA

Inkasta oo ay jiraan dad ku dooda in diinta Yuhuudu ay horay u soo gashay dhulkaan intii aanay masiixiyaddu soo gaarin amaba aanay imaanin Saba’iyiintu, haddana Xaamiyiintii iyo Saba’yiintii hayaanka ku yimid midkoodna ma uusan lahayn wax diina marka laga reebo inay ahayeen mushrikiin asnaamta caabudda sida laga helay qodaal lagu sameeyey magaalada Aksum iyo aga gaarkeeda. Si kastaba ha ahaatee waxaa la rumaysanyahay in bartamihii qarnigii afraad ay masiixiyaddu soo gaartay boqortooyadii Aksumka. Waxay u badantahay inay ka soo gashay dhanka Masar iyo magaalada Elexenderia. Waxaa jirta qiso la wariyo oo oranaysa in diinta Masiixiga ay ku fidiyeen boqortooyadaan laba wiil oo walaalaa asalkooduna Giriig ahaa, kuwaas oo boqorkii Esana aqalkiisa ka khidmayn jirey.

Ka bacdi, qaadashadii diinta Masiixiga laga qaatay aqalkii boqortooyada waxa ay sababtay in dhamaan dadkii lagu xukumo inay qaataan masiixiyadda. Madhabka Yacquubiga ayuu noqday midka ka hirgalay dhulkii xabashida maxaa yeelay Masar ayaa laga haystay madhabkaas. Waxaa Elexenderia looga soo diri jiray baadari noqon jirey midka ugu sareeya diintooda, kolka uu kaasi dhintana ku kale  ayaa laga soo diri jirey isla Masar. Caadadaas ayaa waxa ay ahayd midaan is badalin xittaa kolkii islaamku la wareegay Masar. Hawsha ugu wayn ee uu baadarigaani qaban jirey ayaa ahayd duubista boqorka cusub. Haddii uusan baadarigu duubina sharciyadda boqorku ma aysan qumi jirin. Aksum waxa ay noqotay dawlad masiixiya oo si wacan looga yaqaanno caalamkii kale ee masiixiga gaar ahaan Romankii reer galbeedka iyo kuwii barigaba. Boqortooyadii Aksumku kuma ekaan dhulkii xabashida ee waxay u tilaabtay jaziiradii carbeed waxayna qabsatay Yeman oo ay xukumi jireen Ximyariyiin tii. Waxay xukunka ka tuureen boqorkii Ximyarka Dii-Nawaaz ee haystay diinta yahuudda.

 

Waxaa la sheegaa in qabsashadooda Yaman ay ka dhalatay ka dib markii ay sidaas ka dalbadeen dawladdii Byzantinka oo ahayd Roomankii bari ee looga talin jirey Constantinople, si ay ugu hiiliyaan masiixiyiintii reer Najraan oo ciqaab iyo cadaab ba’an ba uu ku hayay boqorkii Ximyarku. Waana qolada ay ku soo aroortay suuratul Ukhduud ee hogagga naartaa lagu guri jirey. Gadaalkii dambana ninkii Yaman qabsaday waa tii uu isku dayey inuu Kacbada dumiyo, ee suuratul Fiil ka sheekaysay.

QOYSKII ZAGWE IYO XUKUNKII XAAMIYIINTA

Laga soo bilaabo illaa aasaaskii dawladda waxaa talada hayay ilbaxnimadana iska lahaa qabaa’ishii Saba’iyiinta ahaa ee Yaman ka soo haajiray. Faafitaankii masiixiyaddu waxa uu sababayn in diintii ay soo galaan taladiina ay wax ku yeeshaan shucuubtii dhulka loogu yimid. Qabiilka Agowga oo ahaa qabiil tiri iyo tayaba lahaa ayaa noqday dadkii masiixiyadda qaatay markii dambana taladii dalka la wareegay. Agowgu waxa ay Ahaayeen maguurtadii dalka laaogu yimid oo ahaa Xaamiyiin. Waxa ay dhiseen dawlad sal-balaaran sanadkii 900 waxayna talada hayeen ilamaa 1270 kii. Waxay ahaayeen qoladii ugu horaysay ee dawladnimada ku fidiya dhulka joogga hoose leh iyo harooyinka. Maxaa yeelay iyaga ka hor xukunka xabashidu waxa uu ku koobnaa dhulka sareeya ee Tigray iyo Eriteriya. Qoyskaan waxaa ugu magac dheeraa boqorkii Gebre Lalibela oo ah boqorkii dhisay kaniisadda Lalibela oo ah halka ay u xarmadaan masiixiyiinta Itoobiya. Waa kaniisad ka samaysan buur la qoray oo loo qoray sidii mactabkii waana astaanta Ityoobiyada maanta.

FIDITAANKII ISLAAMKA

Waxaa cid waliba ogtahay in muslimiintu soo gaareen Itoobiya iyada oo aanu islaamku gaarin Maadina. Waa hijradii koobaad iyo labaad ee ay saxaabadii Nabigu SCW ku tageen dalkaas markii ay u adkaysan waayeen ciqaabtii ay ku hayeen Quraysh oo xilligaas mushrikiin ahayd.
Majirto cid xaqiijin karta in saxaabadii ay halkaas diin ku fidiyeen iyo in kale iyo inay uga tageen wax mujtamaca oo islaamka u nasab sheegta. Waxaase laysku raacsan yahay in meeshii ugu horaysay oo uu mujtamac islaami ka samaysmay ay hayd jaziiradda Dahlak oo iminka ka tirsan Ereteriya. Kuwaan ayaa ahaa askar uu soo diray amiirkii muslimiinta Omar ibn Khadaab ka dib markii ay burcad badeed xabshiyihi caqabad ku noqdeen isku socodkii badda cas.

Wixii intaas ka dambeeyey diinta islaamku waxay si tartiib tartiiba ugu fidaysay geeska Afrika iyada oo xagga xeebaha kasoo galaysay. Kolkii xukunkii khilaafada islaamka ay la wareegeen qoyskii Amawiyiintu ayna dhaceen dagaalo waawayn oo ay xukunka ku adkaysanayeen, waxaa bilowday hayaan iyo hijro ay samaynayeen cid walba oo xukunkooda ka soo horjeeday.

Sida uu qabo taariikh yahankii waynaa ee Xaafid Al-maqriisii noolaana qarnigii 14aad, dad yawgii ugu horeeyay ee usoo haajiray dhinaca xabashida ayaa ahaa qoyskii reer Banii Haasim gaar ahaan Cuqayliyiin tii, kuwaas oo dagay halka la oran jiray Jabara oo ku taalay xeebaha Erateriya. Waa qoyskaan cidda aasaastay dawladdii Jabara ee ay iska lahaayeen Jabrtiyiintu markii danbana isu badashay Awfaat qarnigii13aad, ka gadaalna noqotay Adal.

Waxaa sidaas si lamida iyana dawlad ka aasaasay gobalka Shawo oo ah halka ay iminka ku taal caasimadda itoobiya muhaajiriin ka soo haajirtay dhulkii barakaysnaa, ku waas oo ahaa qoyskii reer Makhsuum ee uu Khalid ibn Waliid ka dhashay. Islaamkii ayaa si aada ugu faafay dhulkii jooga gaabnaa ee xabasha ilaa ay dawladihii ama saldanadhii islaamku gaareen ilaa 7 saldanadood. Dhulkaan ayaa waxaa caalamka islaamka looga yaqaanay Bilaadu Zaylac maxaa yeelay Zaylac ayaa ahayd marsada ugu wayn. Saldanadihii dhulkaas ka talinayey islaamkana fidinayey waxaa ka mid ahaa Jabara, Shawo, Awfaat, dawaara, Baali, Hadiya iyo Adal.

DAWLADDII SULAYMAANIYIINTA IYO BILOWGII CADAAWADDA

Sanadkii 1270kii waxaa xukunkii dhulkii xabashida la wareegay qoyskii Sulaymaniyiinta. Boqorkii ugu horeeyay ee talada qabta ayaana ahaa Yakuno Amlak. Kaas oo samaysatay dacaayad uu isaga iyo qoyskiisuba doonayeen inay dalka ku xukumaan. Waxa ay sheegeen inay yihiin tafiirtii Nabi Sulaymaan iyo Boqoradii Balqiis ee reer Saba. Arintaas ayaa waxaa ka qayb qaatay baadarigii ugu sareeyey diinta oo la oran jirey Takle Haymanoot. Sababta arinkaas loo samaynayey ayaa ahayd in boqorka cusubi uu ahaa nimaan taariik wanaagsan ku lahayn mujtamaca dhexdiisa. Wuxuu ahaa burcad-birri dadka furan jirey iyo dhiig yacqb caana. Waxaa kale oo la sheegaa inuu walaashiis qabi jirey. Dhanka kalana waxa uu xoog kula wareegay talada isaga oo dilay boqorkii ugu dambeeyey qoyskii Zgawiyiinta oo ahaa Za-IIlmaknun. Haddaba si loo sharciyeeyo falkaas aan ku qumanayn diinta masiixiga oo ah in la dilo boqorka oo agtooda ka ahaa axad barakaysan, ayaa sababtay in Yakuna Amlak qoyskiisa iyo qawmiyadda Xabashidaba loogu abtiriyo Nabi Sulaymaan si anay cidiba xukunka ugu la loo lamin. Qoyskaan ayaa ka ariminayey dhulka xabashida illaa iyo 1974 markaas oo kii ugu dambeeyey oo ahaa boqor Haile Selasse talada laga tuuray.

Sida ka muuqata dhalashada qoyskaan waxa ay samaysteen nasab diimeed, waxayna isku magacaabeen inay yihiin ilaaliyaasha iyo fidiyayaasha diinta masiixiga. Waxay bilaabeen olole wacyi galina oo dadka lagu nacsiinayo Islaamka. Islaamka iyo Masiixiyadduba wixii ka horeeyey qoyskaan waxay si nabada ugu noolaayeen dhulka, iyaga oo uu ka dhaxeeyey xiriir wanaagsan. Islaamka ayaa waxa uu u faafayey si nabada mana jirin waxa khatara oo uu ku ahaa boqortooyadii xabashida.
Waxay kale oo Sulaymaaniyiintii bilaabeen in dadkii caawaanta ahaa khasab lagu masiixiyeeyo gaar ahaan qabaa’ishii Xaamiyiinta oo uu Agowgu u waynaa.

Waxay bilaabeen dagaalo iyo hujuummo waawayn oo ay ku qaadeen saldanadihii muslimiinta oo aan markaas u diyaarsanayn dagaal iyo difaac toona, marka laga reebo saldanaddii Awfaat oo isla xilliayaadaan dhidibadda loo taagay. Dagaaladaan ayay Sulaymaaniyiintu wadeen illaa bilowgii qarnigii 15aad markaas oo ahayd kolkii ay xididada u siibeen dawladdii Awfaat ayna dileen suldaankeedii Sacadudiin. Goobta suldaanka lagu dilay ayaa ahayd magaalada Zaylac oo ahayd meeshii ugu dambaysay dhulkii saldanadda. Waana xilligaan markii ugu horaysay ee la arko magaca Soomaali oo qoran. Wuxuu ka mid ahaa magacyada qoomiyado badan oo lagu xusay gabay faana oo loo tirinayey boqorkii guulaystay Nugus Yashaaq. Wixii xilligaas ka dambeeyey Soomaalida ayaa laf-dhabar u ahayd dagaaladii wax iska caabinta ee dhexmarayey dawalddii Adal iyo Xabashida gaar ahaan halgankii Ahmed Gurey.

La soco qaybta labaad.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments