TAARIIKHDOODA BARO INTA AADAN LA MIDOOBIN, TAXANAHA ITOOBIYA SEDDEX KUN OO SANO – QAYBTII 2AAD

ROGAAL CELINTII MUSLIMIINTA IYO AASAASKII DAWLADDII ADAL.

Kolkii laga guulaystay muslimiintii reer Zaylac dawladdoodiina la riday, suldaankoodiina la dilay, dadkii waxa ay u kala firxadeen dhan walba. Qaraabadii iyo eheladii Suldaan Sacadu-diin iyagu waxay u baxsadeen dhankaas iyo Yaman, waxayna magan u noqdeen boqorkii yamaniyiinta ee ahaa Ahmed bin Al-asraf. Dadka halkaas gaaray ayaa waxaa ku jirey wiilashiii Suldaanka sida Sabru-dii, Jamaalu-diin, Ahmadu-diin, iyo Mansuur. Wax yar ka bacdiba wiilashii Ilma Sacadu-diin waxay go’aan sadeen inay dalkii dib ugu laabtaan halgan rogaal celinana ay dib u bilaabaan. Waxay taageero waydiisteen boqarkii Yamaniyiinta oo isna si gobanimo leh usoo jiscimay.

Waxay dalka dib ugu soo noqdeen sanadkii 1415 kii. Markiiba waxa ay bilaabeen abaabul dagaal iyo inay dawlad aasaasaan taas oo loo bixiyey Adal, suldaankeedii koobaad na uu noqday Suldaan Sabru-diin ibn Sacadu-diin. Magaalada Dakkar oo waqooyi galbeed uga toosan magaalada Harar ayaana saldhig looga dhigay. Adal waxay dagaalo waawayn la gashay boqortooyadii Xabashida iyada oo taageero ka helaysa dhamaan dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa dhulkii Zaylac. Inkasta oo aanay ku guulaysan inay dib usoo celiso dhamaan dhulkii horay looga qabsaday, haddana waxa ay ku fara adaygtay dhulkii ay dawladda cusub ka aasaastay. Waxaa xusid mudan in dhamaan wiilashii uu dhalay Suldaan Sacadu-diin ay ku dhinteen goobo dagaal iyaga oo difaacay dhulkii muslimiinta. Kii ugu dambeeyay oo ahaa Ahmedu-diin ayaa lagu diley isaga oo dib u xoraynaya gobalka Dawaara oo ka mid ahaa dhulkii reer Zaylac horay looga qabsaday. Wuxuu shahiiday sanadkii 1445.

Wax iska caabintii muslimiintu intaas kuma aysan ekayn ee waxaa halgankii halkiisii ka sii waday caruurtii ay dhaleen ilma Sacadu-diin iyo rag iyo amiiro kale oo dagaal yahano ahaa.
Madaxdii halgankaas doorka wayn ka qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Mohamed, Garaad Maxfuud, Garaad Aaboon iyo IImaan Axmed Gurey.

HALGANKII IIMAAN AXMED GUREY IYO DOORKII SOOMAALIDA.

Sida uu kitaabkiisa Futuux Al-xabasha uu ku qoray Shihaabudiin Axmed ibnu Abdulqaadir oo la kulmay IImaan Axmed Gurey waxa uu yiri “xilliga uu soo baxayo Iimaanku waxaa gayigii muslimiinta ka jirey fawdo wayn, waxaa la xalaashaday xaaraantii. Waxaa batay fisqigii, khamaarkii iyo heesihii. Waxaa layska daayay difaacii iyo dagaalkii Xabashida. Waxaana batay iskhilaafkii iyo xukun iska tuuristii.”Xilligaas waxaa xukunka gacanta ku hayay Suldaan Abubakar Suldaan Maxamed oo ahaa tafiirtii Sacadu-diin. Suldaanku wuxuu taageero xoog leh ka helayey qabaa’shii Soomaalida.

Iyada oo ay jirto xaalad noocaasa ayuu Iimaan Axmed Gurey soo baxay iskuna duba riday shucuubtii, una carbiyey sidii ay isaga dhicin la haayeen cadawga qura ee ay lahaayeen.
Inkasta oo IImaanka iyo qaybo kamida qabaa’shii Soomaalidu markii hore isku dhaceen haddana markii dambe Soomaalidu waxa ay noqotay cidda laf-dhabarka u ahayd jihaadkiisii.

Waxa uu waraaqo u kala diray dhamaan qabaa’ishii, gaar ahaan Soomaalidii si ay uga qayb qaataan halganka. Qabaa’ishii Soomaaliyeed ee sida mugga leh ugaga qayb qaadatay halgankaas kuna yimid dalabkii Iimaanka waxaa ka mid ahaa Geri, Bartire, Mareexaan, Harti, Xarle, Yabare, Jiraan, Gurgure, Hawiye Iyo Masare.
Iimaan Axmed markii uu isku duba ritay guutooyin ciidammaa oo u badan dadkii raacatada ahaa sida Soomaalida iyo Canfarta, ayuu u jihaystay dhulkii Xabashida isga oo wacad ku maray inuusan dib usoo noqon illaa uu ka furto dhulka Xabashida oo dhan. Goobtii ugu waynayd uguna horaysay ee foodda laysku daray ayaa ahayd Shimbirakore oo noqotay dagaalkii uu ku xaqiiqsaday boqorkii Xabashidu Lebna Dengel in Iimaan Ahmed iyo ragga la socdaayi aanay ahayn rag la loodin karo. Goobtaan ayaa guushu ku raacday IImaanka iyo raggiisii iyaga oo ka guulaystay ciidamadii boqorka oo lagu qiyaasayey laba boqol oo kun. Maalintaas Soomaalida waxaa uga dhintay halkaas in ka badan sadex kun oo nin.

Wixii ka dambeeyey Shibirakore, Iimaan Ahmed waxa uu hantiyey inta badan dhulkii Xabashida Ilaa uu ka gaaray Tigray iyo Askum, Harada Tana iyo Xuduudka Nuubiga iyo Kassala oo Suudaan ah. In kasta oo uu wacad ku maray inuu qabto boqorkii Xabashida haddana boqorku waxa uu dhintay isaga oo baxsada oo buura galeena. Lebna Dangal intii uu baxsadka ahaa waxa uu fariin u dirsaday Boortaqiiska oo ahaa markaas awoodii ugu waynayd reer galbeedka, isaga oo ka codsaday inay dawladiisa badbaadiyaan.

GEERIDII IIMAANKA IYO GURYO NOQODKII MUSLIMIINTA.

Dawladii Boortaqiisku waxa ay ka soo jawaabtay dalabkii Boqorka waxa ayna u soo direen afar boqol oo nin oo ku hubaysan hub casriya oo ahaa madaafiic iyo banaatiikh. Meesha ay Iimaanka iyo raggiisu ku dirirayeen warmo iyo seefo. Ciidanka Boortaqiiska waxaa watay wiil uu dhalay sahamiyihii waynaa ee Vasco Da Gama oo la oran jiray Cristopher Vasco Da Gama.
Dagaal kharaar oo dhex maray labada dhinac ayaa jab wayn loogu gaystay ciidankii Iimaanka laguna khasbay inay dib u gurtaan. Iimaanku kolkii uu arkay sida xaalku yahay ayuu fariin u dirsaday Baashigii xukumayey Zabid oo ahaa wakiilkii Turkiga ee Yaman kaas oo u soodiray sagaal boqol oo Turki si wayn u hubaysana.

Gurmadkii Turkigu waxa uu dib usoo celiyey niyaddii muslimiinta waxaana mar labaad laysaga horyimid dagaal kharaar kaas oo ay guushii ku raacday Iimaanka iyo ciidankiisii. Waxaa goobtaas lagu dilay ku dhawaad labo boqol oo ciidankii Boortaqiiska ah oo uu ku jiro taliyahoodii Cristopher Da Gama. Guushaas ka bacdi Iimaanku waxa uu salka dhigay harada Tana halkaas oo uu ka dhistay saldhiggii looga talin lahaa Xabasha. Iimaanku, Inta uu jiscimay ayuu dib ugu diray ciidankii Turkida halkii ay markii hore ka yimaadeen iyaga iyo hubkoodii cuslaaba. Nasiib daro Iimanku waxa uu uqaatay in guushaani ay tahay mid kama dambaysa laakiin sidaas ma noqon. Khaladkaas farsamo ee uu Iimaanku galay ayuu ka faa’iidaystay Boqorkii Dhaxalka la wareegay ee Gelowdewos. Waxaa isa soo uruur saday wixii ka haray Boortaqiiskii iyo guutooyin uu Boqorku ka  soo uruurshay dhulkii Xabashida.Waxay weerar ku soo qaadeen ciidankii Iimaanka, waxaana u suura gashay inay jabiyaan, halkaasna ku dilaan Iimaankii iyo kumanaan muslimiintii ka mida sanadkii 1543.

Jabkii muslimiinta iyo geeridii Iimaanka waxaa ka dhashay jahwareer xoog leh iyo in si aan habaysnayn looga soo baxo dhulkii muddada la furanayey. Wax yar ka gadaal waxaa dib loogu soo noqday halkii halganku ka bilowday iyo magaaladii Harar. Waxaa taladii muslimiinta la wareegay Amiir Nur Mujaahid oo ahaa geesi ay qaraabo ahaayeen Iimaan Axmed. Amiir Nur Waxa uu wacad ku maray inuu usoo aarayo Iimaankii oo walibaba uu ugu aarayo boqorka xabashida, taas oo Alle u rumeeyey. Dagaalo waawayn oo uu ku qaaday dhulkii xabashida gaar ahaan dhulkii islaamku lahaan jirey sida Bale, Hadiya iyo fatagaar, waxaa aakhirkii u suurowday inay goob isaga horyimaadaan boqorkii xabashuda  Gelowdewos oo uu ku jabshay isaga iyo ciidankiisiiba. Goobtaas ayaa dhacday sanadkii 1559kii. Amiir Nur waxa uu Harar ku soo noqday isga oo guul ku cimaamadan watana madaxii Galewdewos. Amiirku sanadkaas ayuu dumaalay Bactiya Garaad Maxfuud (dilwambara) oo ahayd afadii uu ka dhintay Iimaan Axmed Guray.

Bactiya oo ahayd geesiyad duulaamada ka qayb qaadan jirtey, horay ayay u diiday in Amiir Nur ama cid kalaba ay dumaasho iyadoon boqorka xabashida loogu aarin Iiman Axmed. 1567 ayaa Amiir Nur waxa uu ku dhintay magaalada Harar. Wixii intaas ka dambeeyey labada shacbiba waxay la daalaa dhacayeen daadad Galla ah ama Dadka Oromada maanta loo yaqaan ah oo kusoo rogmaday dhulkii, labada dhinacba.

IS BALAARINTII GALLAHA (OROMADA)

Qoomiyadda Oromada oo waagii hore loo aqoon jiray Galla ayaa ah Xaamiyiin ay bah-wadaag hoose iyo af-wadaagba yihiin Soomaalida iyo kuwa kale ee Kushiitiggaa, sida Beejaha, Saahaha, Siddaamah, Canfarta iyo Rendinlaha.
Xiligii ay muslimiinta iyo xabashiduba ku mashquul sanaayeen dagaaladii waawaynaa ee u dhaxeeyey, Oramadu waxa ay ku soo fidaysay qaybaha koonfureed ee dhulka Xabashida iyo gobalkii Bale. Ilaa ay aakhirkii dhinac walba ugaga bexeen dhulwaynihii labada shacab.

Gallaha ama Oromada ayay ahaayeen kuwii uu Amiir Nur darbiga ugaga wareejiyey magaalada Harar si aysan u qabsan. Dhawr goor ayaa Amiirku dagaal ugu baxay qolyahaan, dagaalkii ugu dambeeyey ee uu Amiir Nur la galana waxa uu ahaa kii uu ku qaaday kolkii ay go’doomiyeen magaalada ee ay ka dhalatay macaluushii Harar ku habsatay. Amiirku kolkii uu ka soo noqday dagaalkaas, ayuu u dhintay daacuun kii ka dambeeyey macaluusha.
Oromadu waxay kala xireen amaba kala dhex galeen muslimiintii iyo xabashiddii dagaalku ka dhaxeeyey taas oo sababtay in qolo waliba ay iskeed ula tacaasho qulqulka Oromada. Waxay qabsadeen caasimadii Xabashida ee Gonder ilaa iyo Tigray. Dhanka kalana waxa ay go’doomiyeen Harar oo ay dhan walba ka mareen. Dadkaani badan koodu markii dambe waxa ay qaateen diinta islaamka inkasta oo kolkii dambe qaybo ka mida dib loo gaaleeyey xilliyadii Boqorradii Tedros,Yohans, iyo Menelik oo ka talinayey dhulka xabashiada qarnigii 19aad.

Sida ay qabaan dad-yaqaano iyo taariik yahannada darsa taariikhda geeska Afrika, qawmiyadda Oromada ayaa si lamida qawmiyadihii kale ee Xaamiyiinta la aaminsan yahay inay ka soo tilaabeen badda carbeed, ayna ahaayeen racii labaad ee soo tilaaba. Waxay dageen geeska Afrika iyo dhulka ay iminka Soomaalidu ku nooshahay. Taariikh yahanadaan ayaa qaba in Soomaalida oo ah racii sadexaad ee Xaamiyaanta iyo qolyihii ugu dambeeyay muhaajiriintii soo tillaabay, ay si tartiib tartiiba in muddaa usoo riixayeen Oromada, kaas oo ugu dambayn tii sababay qulqulkoodii ay ku maasheeyeen dhulka Xabasha qarnigii 16aad.

La soco qaybta saddexaad.

Mohamed Ahmed Elmi

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments