Dhageyso Madaxweyne Gaas oo Magaalada Garowe ku soo Dhaweeyay Madaxda Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada

Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Garowe ku  soo  dhaweeyey Madaxweyne yaasha Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed Axmed Maxamed Islaan & Shariif Xasan shekh Aadan

Madaxweynaha Gal-mudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo isna gaaray Garowe ayaa safar dhulka ah ku tagay halkaas isagoo kasoo Amba baxay Magaaladda Gaalkacyo.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa inay Garowe ku yeeshaan shirkoodii Golaha Iskaashiga Maamulada Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Waxaan kulankanka maqan Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hore u sheegay inuu heshiis la gaaray Xukuumada Federaalka oo ay horey xurguf kala dhaxeysay.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share