”Xukuumadda Federaalka oo Dawlada Suudaan Uga Tacsiyadeeysay Geeridii ku Timid Madaxweyni hore ee Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa booqday Xarunta Safaaradda Suudaan ee Muqdisho, isagoo magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Suudaan geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Suudaan Abdurrahman Suwar al-Dahab.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ay wehliyeen Wasiiru dowlaha  Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Carabta  Mustafa Aadam , ayuu wasiirku sheegay in Marxuumka uu qiimo weyn ugu fadhiyay Suudaan, Ummadaha Carbeed iyo Islaam marka loo eego tilmaamaha la mahdliyo iyo aragtiyada sugan ee howlaha uu u qabtay Suudaan iyo Ummadaha Carbeed iyo kuwa Islaamka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share