Filed Under:  MAQAALO

MUDANE WASIIR IS-CASIL HADDII DAMIIR IYO DAREEN UU KUU HARSAN YAHAY!!!.

Waxaa shaki ku jirin in amaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka sii baxayo dilalka tooska ah iyo weerarada Al-shabaab ay la beegsanayaan Xarumaha ugu muhiimsan ee dowladda iyo dadka shacabkaba ay kordhayaan, iyadoo weeraradii ugu dambeeyey ay kala dhaceen maalinimadii shalay iyo weerarkii lala beegsaday 7-da Bishan xarunta loo yaqaan Oto-oto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo aad adiga maamusho.

Dhacdooyinkaan la xirriira amaanka markii ay dhaceen waqtiyo isku dhow waliba iyadoo wadooyinka magaalada ay xir-xiran yihiin shacabkana dhibaato ba’an ku heyso marinka wadooyinkaasi iyo hanjabaada maanta shacabka Muqdisho aad u jeedisay ee ahayd qofkii ka hadla jidgooyooyinka magaalada in ruuxaas Al-shabaab yahay talaabana laga qaadi doono, ayaa waxaa dib u xusuustay hadal aad ka jeedisay dhacdo dil ahayd oo September 28, 2017degmada Xamar-weyne waxaadna ku hanjabtay in aad is-casili doontid haddii aad ku fashilantid arrimaha Amaanka iyo soo qabashada ragg dil geystay.

Mudane Wasiir Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) waxaad sheegtay inaysan suuragal ahayn in magaalada dhexdeeda siiba suuqa caanka ah ee Xamar-weyne lagu dilo dad mas’uuliyiin ah waliba maalin cad iyadoo aan waxba laga qaban oo lagu doodo in dib laga soo sheegayo, lana baarayo shilalka dilalka iyo qaraxyada markay dhacaan kadib.

“Haddii aan wixii dhacay talaabo ka qaadi weyno ogaada dad badan ayaa xilkooda ku weyn doona, todobaadka dambe ayaa iman doonaa halkan, laba maalin oo waqti ah ayaad heysataan” ayaa si kulul u tiri adigoo raaciyay in adiga laf ahaantaada aad xilka ka tegi doontid.

“Haddii aan dad loo xir-xirin oo xilkooda ku weynin anigaa xilka ku weyn doono, aniga Wasiir Amni umma noqon in aan iska fariisto xafiiska oo baabuur isaga socdo…ma la iska yeeli doono qaraxyo, dilal iyo weeraro iska dhacaaya iyadoo aan wax laga qaban, magaaladii oo dhana jidgooyooyin ay yaalaan oo dadka ciriiri la geliyo” hadaladaan iyo kuwo kale oo ka sii badan oo dhammaan hanjabaadyo u muuqday iyo balan qaad Is-casilaad ayaad ka dhawaajisay.

Haddaba mudane Wasiir weeraradii Al-shabaab gudaha ugu galeen xaruntaadii iyo kii shalay nawaaxiga Madaxtooyada waliba iyagoo Shabaabku watan gawaari miineysan iyo tuutaha dhar cusub oo loogu talagalay ciidanka Xasilinta Caasimada sow kama tarjumayaan fashilka kaa heysta Amaanka maadaama wasaaradaadu ay mas’uul ka tahay Amaanka dalka oo dhan.

Mudane Wasiir makuu muuqataa in wasaaradaada amniga ay ku fashilantay howshii loo dhiibay…?. Mase ilowday balanqaadkaagii hore ee Is-casilaada..?, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) waxaa kugula talin lahaa haddii damiir iyo dareen uu kuu harsan yahay Is-casil inta adiga aan lagu eryin.

Ugu danbeyntii Ogoow Mudane Wasiir waxaad lumisay kalsoonida shacabka iyo ku dhiiranaanta inay xogo siiyaan Laamaha Amaanka, waxayna dareemayaan inuu jiro xirriir ka dhaxeeya Al-shabaab iyo Hay’adaha Amaanka ee aad Wasiirka ka tahay, anigoo midaas ka amba qaadaya balanqaadkaagii horena dib kuu xusuusinaya inta ay goori-goor hore tahay sow ma haboona in aad Is-casisho waa haddii ay kugu dambeeyaan dareen iyo damiir.

W/D:- Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments