Dhageyso: Cabdi Bare Jibriil oo ka Jawaabay War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha

Xildhibaan hore Cabdi Bare Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in Dowlada dhexe ee Soomaaliya aysan xiligaan diyaar u ahen inay wada hadal lagasho Maamul goboleedyada isagoona ku eedeeyay inay dowlada wado abaabulo meesha looga saarayo madaxda Maamul goboleedyadda dalka.

Cabdi Bare Jibriil   ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay diyaar u yihiin in xal laga gaaro khilaafka kala dhexeyo dowlada ayna u hugaan sameyaan warkii dhawaan ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidookale Cabdi Bare oo ka hadlayay warqad shalay ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha Xukumada Soomaaliya taasi oo madaxda dowlad goboleedyada loogu baaqayay inay ka soo qeyb galaan shir deg deg ah  oo ka dhacaya magaalada muqdisho ayaa sheegay inay tahay waxba kama jiraan, waxuuna xusay in dowlada ay wax wadahadal ah dooneyn inay la gasho  madaxda maamul goboleedyada.

Sikastaba ha  ahaate hadalka Siyaasigan ayaa imaanaya xili madaxda maamul goboleedyada uu shir uga socdo Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Putland kaasi oo ay kaga hadlayaan khilaafka kala dhaxeeya dowlada dhexe ee Soomaaliya.

 

 

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share