”Dawlada Itoobiya oo Dhex dhexaadinaysa Dawlada Federaalka iyo Maamulka Goboleedyada

Ilo  wareedyo  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, uu ka dalbaday Ra’iisu lwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali in uu dhex dhexaadiyo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada oo uu ka dhex jiro Khilaaf xooggan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu la soo xiriiray xiriiray Ra’iisulwasaaraha Itoobiya  Abiye  Ahmed, Isagoona ka codsaday inuu Hogaan u noqdo dhex dhexaadinta Villa Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada, kuwaas oo xiriirkii u jaray Bishii hore.

Raisal wasaaraha  ayaa u sheegay Farmaajo inuu dadaal u galayo sidii loo Fariisin lahaa Siyaasadda Soomaaliya, oo haatan ay hareeyeen Khilaafyo culus oo soo kala dhex galay Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada.

xog  ay heshay Gobolada.com ayaa sheegaysa in Dowladda Itoobiya ay lasoo xiriirtay Madaxda Dowlad gobaleedyada ayna ka codsatay inay bilowdo wada xaajood u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Iyaga, taas oo sida la sheegay ay ka Aqbaleen

Warar  ayaa sidoo kale sheegaya in Wafdi sare oo ka socda Itoobiya ay kusoo wajahan yihiin Magaalooyinka  Muqdisho iyo Garoowe, si ay Wada-hadal ula yeeshaan labada dhinac, ay u heshiisiiso.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share