shirka Golaha Iskaashiga Dawlad goboleedyada oo Maanta la soo gaba gabeynayo

shirkii Golaha Iskaashiga ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Garowe

Magaalada Garowe waxaa ka socda shir maalinkii Saddexaad galay, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira, oo isugu tagay halkaasi, kadib markii uu casuumay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas).

Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo qaarkood ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin iyo qaarkood oo culeysaad siyaasadeed kala kulmay dowladda ayaa dhamamantood jeediyay hadalo lidi ku ah dowladda federaalka, kadib furitaankii shirkan ee Axadii.

Markii ugu horeysay shirkan waxa aan ka qeyb galeynin madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dowladda federaalka la gaaray heshiis, waxaana ugu dambeysay shirkii kan ka horeeyay ee lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Shirkan oo maanta galay maalinkii Saddexaad ayaa waxaa looga doodayaa dhowr Arrimood oo ku saabsan xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, dib u dhiska ciidanka iyo qaybsiga kheyraadka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share