Kenya oo Muqdisho ku soo celisay 17 Ruux oo Soomaali ah

Diyaarad Siday  Dad Soomaali ah oo gaaraya 17 Ruux ayaa lagu xayiray  garoonka diyaaradaha Joomo Kenyata ee Magaalada Nairobi.

Sarkaal u hadlay laanta socdaalka Kenya Gordon Kihalangwa, ayaa sheegay in dadka dib loogu celiyay Muqdisho ay ahaayeen kuwo aanan haysan dukumintiga rasmiga ah iyo oggolaansho dhinaca Ammaanka ah.

 

Dowlada Kenya  gaar ahaan Booliska  ayaa adkeeyay ammaanka garoomada diyaaradaha iyadoo dowlada Kenya ay u diyaargaroobayso in duulimaadyo ay diyaaradaheeda si toos ah ugu tegeyaan dalka Maraykanka.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safar ku mara dalka Kenya ayaa dhibaato kala  kulma garoomada diyaaradaha ee dalkaas iyadoo sida dhacday shalay dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments

Share