Soomaaliya oo war ka soo saartay cunaqabateynta saaran Ereteriya!!!.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay booqashadiisa dalka Ereteriya ayaa waxa uu sheegay booqashadani inay tahay mid labada qaranba taariikhda u gelaysa.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya wada hadalada uu la yeeshay Madaxweyne Esias Afwerki in ay diirada ku saareen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal oo aan keliya taariikh aheyn.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in booqashadan taariikhiga ah ay ka dhalan doonto horumar iyo barwaaqo, oo labada qaranba dan u ah.

“Wada hadal mira-dhal ah oo aan la yeeshay mudane Madaxweyne Esias Afwerki, waxaan diiradda saarnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka aannu wadaagno labadayada waddan oo aan keliya taariikhi ahayn, balse lagamamaarmaan u ah mustaqbalka ifaya ee aannu wada dhisi doonno.” Ayuu yiri Farmajo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Labadayaduba waxa aannu ogsoonnahay in mustaqbalkayagu uu isku xiran yahay, maaddaama aannu nahay labo waddan oo walaalo ah, isku gobolna ah, waxa aannu sidoo kale ku heshiinney inaan xoojinno iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku baaqay in gebi ahaanba cunaqabaynta iyo xannibaadaha dhaqaale laga qaado dadka reer Ereteriya si loo helo isdhexgel dhaqaale oo ka dhaca gobolka, loona gaaro heshiisyo suurtagelinaya ganacsi xor ah, kaasi oo fududeyn doona isu-socodka dadka iyo badeecadaha.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhaweysay heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhexmaray Ereteriya iyo Itoobiya, iyada oo hubaal ay tahay in gebi ahaanba Geeska Afrika uu ka faa’idi doono waagan cusub ee ku astaysan nabadda, saaxiibtinnimada iyo wadajirka gobolka.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA

Latest Comments