Raisal Wasaare Kheyre oo Gudi wasiiro ah U Magacaabay Cabashada Dawlad Goboleedyada
Raisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay Gudi wasiiro ah oo ka kooban Afar Xubnood islamarkaana kala shaqeynaaya Aqalka sare Cabashooyinka ka imaanaya Dawlad Goboleedyada
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Raisal wasaaraha islamarkaana U muuqda Jawaabta War saxaafadeedka ee Dhawaan ka soo baxay Aqalka sare uu ku baaqayay in Xukuumada ay soo bandhigto Mowqifkeeda ku aadan Dawlad goboleedyada iyo Qilaafka kala dhexeya dawlada Federaalka Soomaaliya