www.gobolada.com

Guddoomiyaha Baarlamanka oo Booqday Magaalada Baydhabo.
Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  Shariif Xasan Shariif Xasan oo booqday magaalada Baydhabo ee xaruntaGobolkaBay.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in waf digaasi la socday Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Soomaaliya, G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa halkaas u tagay arrimo la xiriira dhinaca ammaanka.

Wararka aan ka helayno Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in wafdigan laga yaabo inay tababarro u soo xiraan ciidamo dhawaanahan uu tababar uga socday degmada Baydhabo.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay noqonaysaa markii saddexaad oo uu safar ku tago Baydhabo tan iyo markii bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ay ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa dalka Itoobiya ay Al-shabaab kala wareegeen degmadaas.

Ttaliyaha ciidamada booliiska iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaa waxay noqonaysaa markii labaad oo ay Baydhabo tagaan, waxaana si weyn u soo dhaweeyay wafdigan mas’uuliyiinta maamulka gobolka, xildhibaanno iyo wasiirro horay ugu sugnaa Baydhabo.

Degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo kuwaasoo ay geysanayaan xoogagga dowladda kasoo horjeeda ee Al-shabaab.

Xildhibaan Barre Hiiraale oo beeniyey warar sheegaya inuu…..
Xildhibaan Barre Aadan Shire Barre {Hiiraale} oo todobaadkan gudihiisa soo gaaray degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa la sheegay inuu ku wajahanyahay magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu uga soo ambabixi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Sida uu sheegay Isuduwaha wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowlada  KMGee Soomaaliya Isaaq Hoorow Xasan waxaa Barre Hiiraale lagu wadaa in dhawaan uu gaaro Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya kadibna waxa la sheegay inuu uga soo gudbayo dhinaca magaalada Muqdisho, wuxuuna beeniyey warar ay  baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida oo sheegay in Barre Hiiraale uu u xirnaa ciidanka Itoobiya muddo labo sano ah uu ka soo baxsaday soona gaaray deegaanka Ceelwaaq ee gobolka Gedo, wuxuuna intaasi ku daray in Barre mar hore la soo daayey haddana uu ka yimid magaalada Dooloow.

“Waa been la dhoodhoobay wararka sheegaya in Col. Barre Hiiraale uu ka soo baxsaday ciidanka Itoobiya, ma jito cid uu u xirnaa oo uu ka soo baxsaday Korneelku, magaalada Doolow oo uu howlo shaqo u joogay ayuu ka yimid dhawaan, wuxuuna haatan ku soo wajahanyahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka hor inta uusan Muqdisho imaan waxa uu tagi doonaa dalka Kenya” ayuu yiri Isuduwaha wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka dowladda KMG Soomaaliya Isaaq Hoorow Xasan.

Haddalkan ayaa ku soo beegmaya xili qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida ay baahiyeen 24 saac ee la soo dhaafay in Xildhibaan Barre Hiiraale xabsi guri ugu xirnaa ciidamada Itoobiya ka soo baxsaday, laakiin Xildhibaanku warkaasi beeniyey sida uu shaaciyey.

FAAHFAAHIN: Qodobada Maamulka Puntland diiday ee ku jira Dastuurka.
Akhristayaasha sharafta lahow waxaan idiin soo gudbineynaa qoraal dheer oo uu maamulka Puntland ka soo saaray qabyo qoraalka dastuuka KMG ee la doonayo dhawaan in la ansixiyo, waxayna dalbadeen in wax laga bedelo qodobo badan oo ku jira dastuurka, wuxuuna u qornaa qoraalka ay soo saartay Puntland sida tan:-

Magaca Soomaaliya oo cinwaanka qabyo qoraalka dastuurka ugu qoran Jamhuuriyadda Soomaalia ama {SomaliRepublic} waa in loo badelaa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya {Constitution of the Federal Republic of Somalia}

Qodobka 1aad Jamhuuriyada:- Faqrada 1aad halaga dhigo Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaal ah, giiro gaar ah meelkasta oo ay ku qoran tahay dowlada goboleedyada waa in loo badala dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 5aad afafka rasmiga ah:- Dalka wuxuu u baahanyahay hal luqad oo rasmi ah {Af Soomaali}. Lahjadaha kale oo af guriga ah, si kastaba ha u kala badnaadeenee, deegamada ay ka jiraan sidii hore halooga isticmaalo.

Qodobka 6aad Calanka iyo Astaanta Qaranka:- Faqrada 3aad oo u qoran Baarlamaanka ayaa sharci gaar ah soo saaraya Heesta Qaranka, biladaha sharafta iyo maamuuska ay mudan yihiin calanka iyo heesta qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halaga saaro weerta ah Baarlamaanka ayaa sharci gaar ah ka soo saaraya, iyadoo ay hore u jirtay heesta qaranka {Soomaaliyey toosoo}, waa in lagu daro dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaalia waxay yeelanayaan Calankooda iyo Astaantooda gaarka ah” taas oo waafaqsan nidaamka Federaalka ee caalamiga ah.

Qodobka 7aad Dhulka Dowladda:- Faqrada 1aad oo u qoran si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka qaranku ansixiyo waa in laga dhigaa si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Qodobka 9aad Magaala Madaxda Qaranka:- Halagu daro Magaalo madaxdu waa inay noqotaa meel loo simanyahay, waana in loo sameeyaa maqaam gaar ah {Special status} oo ay ka wada xaajoodaan kana heshiiyaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda FederaalkaSomalia, sidoo kale halagu daro baahinta xaruumaha Hay’adaha federaalka Dastuuriga ah, sida Baarlamaanka, Golaha Fulinta, iyo Ciidamada {Decentralization of Federal Government institutions}.

Qodobka 44aad: Dhulka:- Farqada 3aad qodobka waa in lagu kordhiyaa dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dejinayaan siyaasad dhuleed heerkooda ah.

Qodobka 45aad kheyraadka dabiiciga ah:- Farqada 2aad oo u qoran “Baarlamaanka Federaalka waa inuu dejiyaa sharci qeexaya sida ay u kala qeybsanayaan dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Maamulada degaanada dakhliga ka soo baxa shidaalka, macaadiinta iyo rukhsadaha kalluumaysiga, oraahdaa waa mid aan waafaqsaneyn nidaamka Federaalka, qodobkan waa in meesha laga saaraa illaa ay ka xaajoodaan dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka, kheyraadka dabiiciga ah wixii dhulka Somalia oogadiisa ku yaala oo hadaba la kala leeyahay sida badda, wabbiyadda, iyo dhul beereedka, deegaan walba wixii ku yaal buu leeyahay, waxaana maamulaya dowladaha xubanaha kaah dowladda Federaalka, wixii intaa ka soo haray oo maalgelid u baahan, sida macadiinta, shidaalka, gaas, iwm waxaa ka wada xaajoonaya wax qaybsigooda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, qodobkan kheyraadka ah wuxuu ka horimaanaya qodobka 54aad ee Dastuurka Puntland.

Qodobka 53aad nidaamka doorashooyinka:- Qodobkaan oo u qoran “Nidaamka doorashooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa saldhig u ah isudhignaanta tirada kuraasta uu xisbi ka helo Golaha Shacabka iyo boqolkiiba inta isla xisbigaasi ka helo tirada guud ee codbixinta, qodobkan oo ka hadlaya arrin aan cadeyn oo Soomaaliya aan lagaga dhaqmi karin lana aqbali karin, waana in meesha laga saaraa.

Qodobka 58aad Habdhaqanka Doorashooyinka:- Halagu daro Guddiga doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Qodobka 59aad Sharciga Doorashooyinka:- Qodobkan oo u qoran Baarlamaanka Federaalka ayaa soo saaraya sharciga doorashooyinka ee heerarka qaranka, dowlad-goboleedyada iyo golayaasha degaanka. Sharcigaas waa in uu xaqiijiyaa halagu kordhiyo Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanada dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa soo kala saaraya sharciga doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka”.

Qodobka 60-aad Guddiga Qaranka ee doorashooyinka iyo diwaangelinta Xisbiyadda waxaa jiri doonaa Guddiga Qaranka ee doorashooyinka oo maamula doorashooyinka Federaalka, waxaana sidoo kale jiri doona dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo mid kasta yeelanaysa Guddi Doorasho oo iyada u gaar ah.

Qodobka 63aad Qaab dhismeedka Dowladda:- Faqradiisa 1aad xarfaha A, B iyo C, ha laga dhigo qaab dhismeedka Dowladda waa laba heer oo kala ah heerka dowladda Federaalka iyo heerka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo ay hoosimaanayaan dowladaha deegaanka.

Qodobka 64aad: Tirada iyo xuduudaha dowlad-goboleedyada iyo degmooyinka tirada iyo Xuduudaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya waa in loo qaata sida ku qoran Faqradaha 5aad iyo 6aad ee isla qodobkan, waana in meesha laga saaraa faqradaha 1, 2, 3 iyo 4aad, oo ka horimaanaya faqradaha 5aad iyo 6aad.

Qodobka 67aad: Iskaashiga Dowlad goboleedyada:- Faqrada 1aad {A} weerta ah Guddoomiyayaalka dowlad goboleedyada waa in meesha laga saaraa sababtoo ah waxa uu meel ka dhac ku yahay maamuuska iyo xilka mas’uuliinta sare ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku qeexan dastuurka Puntland.

Qodobka 68aad Wada-xaajoodyada caalamiga ah:- Faqrada 2aad weerta Xukuumadda Federaalka ah waa ay ku dari karta ergada wada xaajoodka waa in lagu bedelaa waa inay ka mid noqdaan, isla qodobkaasi faqrada 3aad ha laga tuuro sababtoo ah waxay xadgudub ku tahay xuquuqda dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Qodobada kala qaybinta awoodaha ee 69-77aad:- Waxqaybsiga awoodaha oo ku qoran qodobada 69-77aad oo loo soo qoray qaab xadgudub iyo amar ku taagleyn ku ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka waa in laga saaraa qabyo-qoraalka illaa ay ka soo dhismayaan dowladaha ka mid noqonaya dowladda Federaalka ee dhiman oo iyagu awooda wax qaybsiga leh, kuwaas oo wada xaajood ay ka wada gaari doonaan wax qeybsiga awoodaha dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka.

Qodobka 86aad hogaamiyaha mucaaradka:- Farqada 1aad ee qodobkan lama garanayo waxa loola jeedo, waana in gebi ahaanba laga saaro dastuurka.

Qodobka 87aad Xilka Xeer dejinta Golaha Shacabka:- Faqradaha C & D waa in laga saaraa qoraalka wuxuu awoodda ka qaadayaa Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka, wuxuuna awoodaas ku wareejiyay Golaha Shacabka {Aqalka Hoose}, taas oo keenaysa jahwareer.

Qodobka 88aad : Tirada Xubnaha Golaha Shacabka:- Faqrada 2aad weerta ah sharci gaar ah ayaa qeexaya halbeegyada saldhigga looga dhigayo go’aminta tirada xubnaha Golaha shaciga, faqradan waa in meesha laga saaraa sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa heshiiskii Road Map-ka iyo Mabaadiida Garoowe 1 iyo 2 ee lagu go’aamiyey dhimida tiradda Xildhibaanada Golaha Shacabka {Aqalka Hoose} ee dowladda Federaalka lagana dhigay  225-Xildhibaan, faqrada 4aad ee isla qodabkan looma baahna, sababtoo ah wuxuu ka horimaanayaa nidaamka tartanka xisbiyadda badan.

Qodobka 93aad: Tirada Xubnaha ay shirarku ku ansaxayaan iyo go’aan gaarista Golaha Shacabka:- Faqrada 2aad weerta ah seddex meelood labo waa in loo bedelaa kala bar lagu daray hal tiro {50% + 1} xubnaha Golaha Shacabka.

Qodobka 96aad:- Xilka Golaha wakiillada dowlad goboleedyadda Iyadoo la raacayo go’ankii Mabaadiida Garoowe 1 iyo 2 waa in magaca Golahan loo bedelaa Golaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaalia, fiiro gaar ah meel kasta oo ay ku qoran tahay Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedyada” waa in loo badalaa “Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaalia, kuwaas oo matalaya dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaalia.

Qodobka 97aad: Tirada Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedyada:- Cinwaanka qodobkan waa in loo bedelaa Golaha aqalka sare ee dowlada Federaalka Soomaaliya Xubnaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia oo tiradoodu tahay ugu badnaan 54-Xubnood sida ku qoran Mabaadiida Garowe 2 oo ku salaysan 18-gobol oo midkiiba 3-xubnood oo ka imaanaya goboladii jiray 1991-kii ka hor (18 Gobol x 3 xubnood = 54).

Qodobka 101aad go’aan qadashada Golaha Wakiiladda dowlad goboleedyada:- Farqada 2aad go’aan qaadashada Golaha Aqalka Sare wuxuu ku salaysmayaa tirada aqlabiyada Seddex meelood labo {2/3} markii laga hadlayo danaha gaarka ah ee Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka oo ay matalayaan.

Qodobka 106aad mashaariicda sharci ee aan saamayn ku lahayn dowlad goboleedyada:- Farqada 1aad Waa in lagu kordhiyaa wuxuu ku ansaxaya cod hal-dheeri {50% + 1} tirada guud ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, mashruucaas sharci hadii uusan saameyn ku laheyn danaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Qodobka 107aad mashruuc sharci oo saameyn ku leh heerka dowlad goboleedyada:- Qodobkan wuxuu isdaba mariyey awoodihii labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo awoodaha u qeybsan dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, wuxuuna keenaya jahwareer iyo iska horimaad, waana in loo qoraa sidatan “Mashruuc sharciyeed kasta waa inuu maraa labada Aqal ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare oo matala Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia, mashruuc sharciyeed kastana waa inuu ku hormaraa Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ka dibna loo gudbiyaa Golaha Aqalka Sare”, farqadda 1aad ee isla qodobkan waa in lagu kordhiyaa wuxuu ku ansaxaya sadax meelood labo (2 / 3) tirada guud ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, mashruucaas sharci hadii uu saamayn ku leeyahay danaha Dowladaha xubnaha ka dowladda Federaalka Soomaaliya, Faqaradda 4aad ee isl;a qodobkan meesha ay ku qoran Madaxweynuhu Guddoomiyo hala dhigo in Madaxweynuhu saxiixo si loogu soo saaro faafinta rasmiga ah, Fiiro Gaar ah meel kasta oo ay ku taalo Madaxweynuhu ha Guddoomiyo” halagu badalo Madaxweynuhu ha saxiixo”.

Qodobka 108aad Guddiga Dhexdhexaadinta Baarlamaanka Federaalka:- Looma baahna Guddigan Dhexdhexaadinta, shaqadaas waxaa iska leh Maxkamadda Dastuuriga ah.

Qodobka 109aad Faafinta iyo Xafidaada Sharciyada:- Halaga dhigo faafinta iyo keydinta Sharciyadda waxaa u xilsaaran Garyaqaanka Guud ee Dowladda FederaalkaSomalia iyo garyaqaanada guud ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda FederaalkaSomalia.

Qodobka 112aad Madaxweynaha Jamhuuriyadda:- Cinwaanka halaga dhigo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka meel kasta oo ay ku qoran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ama JamhuuriyaddaSomalia ha lagu badelo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  ama Jamhuuriyadda FederaalkaSomalia, isla qodobkaasi faqraddiisa 1aad {C} halaga saaro eragya ah horumariyaha

Qodobka 113aad shuruudaha doorashada Madaxweynenimada:- Faqrada 1aad waa in loo bedelaa sidatan muwaadin kasta oo Soomaali ah waa u furantahay inuu u tartamo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya haddii uu buuxiyo shuruudaha xilka oo ah:- {A} inuu yahay muwaadin Somali ah, Muslim ah, ku dhaqma diinta Islaamka, miyirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn afartan {40} sano, qabin xaas ajnabi ah inta uu xilka hayana guursan karin.

{B} Inuu leeyahay tacliin sare, waayo aragnimo hogaamineed, aqoon la xiriirta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed, dalkana ku sugnaa labadii sano ee ugu dambaysay, {C} inaan xuquuqdiisa muwaadininimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shantii sano ee ugu dambeysay, {D} inuusan hore u gelin khiyaamo qaran ama ku xad gudbin xuquuqda  bani’aadamka.

Faqrada 2aad ee isla qodobkan weerta ah murashax Madaxweyne, haddi uu heysto jinsiyada dal ama dalal kale waa inuu doorashada ka hor ka tanaasulaa jinsiyad ama jinsiyadaha shisheeye, waana inuu Guddiga doorashada Madaxweynaha ee Baarlamaanka u gudbiya cadeymo rasmi ah, halaga saaro faqradan sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa qodobka 8aad faqraddiisa 3aad iyo 4aad, mana waafaqsana xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya ka dhacday dhowr iyo 30-kii-sano ee u dambeysay illaa haddana ka jirta.

Qodobka 115aad awooda Madaxweynaha:- Ha loogu hormariyo faqrad oranaysa Ilaaliyaha Diinta Islaamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka Somalia, halagu daro awoodaha Madaxweynaha ku dhawaaqidda xaalada deg dega ah iyo xaaladda dagaal, wuxuu yahay Madaxweynaha Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka Sida, magacaabista sarakiisha sare ee dowladda Federaalka Faqrada 1aad: weerta ah “…ogolaanshaha Golaha Wasiirada ka dib” ha lagu badalo  oo jeedinta Golaha Wasiirada, Faqradda 5aad ee isla qodobkan halaga dhigo sidatan Madaxweynaha waa horumariyaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta, faqrada 6aad weerta ah Madaxweynuhu inuu gudoomiyo” halaga dhigo “Madaxweynuhu inuu saxiixo, faqradda 7aad halaga dhigo Golaha Shacabka aqalka hoose”.

Qodobka 117aad Maxkamadeynta iyo maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha:- Faqrada 1aad halaga saaro erayga culus, weerta ah Madaxweynaha waxaa maamus ka xayuubin ku soo oogi kara Golaha Shacabka marka uu ku galo dembi khiyaano-qaran ama xadgudub culus ee Dastuurka, halaga dhigo Madaxweynaha waxaa maamus ka xayuubin ku soo oogi kara labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka marka uu galo dembi khiyaano qaran ama xadgudub dastuurka, Madaxweynaha waxaa xilka looga qaadi karaa sedex meelood labo {2 / 3} tirada guud ee Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka”.

Qodobka 122aad Golaha Wasiirada:- Faqrada 3aad halaga saaro tirada xadideysa Wasiirada, waana ka badnaan karaan waana ka yaraan karaan duruufaha siyaasadeed ee jira awgood, faqrada 4aad haloo dhigo sidatan Golaha Wasiirada waxaa laga dhex xulan karaa Baarlamaanka gudihiisa iyo dibadiisaba, haddii xubin Baarlamaanka ka tirsan loo magacaabo xubin Golaha Wasiirada wuxuu luminayaa xubinimadiisii Baarlamaanka, farqada 5aad haloo qoro sidan Xilbaneynta Ra’isul wasaaraha sabab kasta ha ku timaadee waxay keenaysaa dhicidda Golaha Wasiirada”.

Qodobka 123aad: Shuruudaha Xubinimada Golaha Wasiirada:- Faqradiisa 1aad {A} da’da Ra’isul wasaraha hala dhigo ugu yaraan 40 sano, {C} weerta ah “Haddii uu heysto jinsiyad dal ama dalal kale waa in uu si rasmi ah ugu tanaasulaan jinsiyadda shisheeye inta uusan qaban xilalkaasi, halaga saaro faqrada ah {C} sababtoo wuxuu ka horimaanayaa qodobka 8aad faqradiisa 3aad & 4aad, mana waafaqsana xaalada dhabta ah ee Somalia ka dhacday dhowr iyo 30kii-sano ee u dambeesay ilaa haddana ka jirta, faqrada 2aad {A} halaga dhigo aan ka yareyn 35 sano:- Faqrada 3aad ha la isku daro {A} iyo {B} hana laga dhigo sidatan: “Waxaa ka reeban inay qabtaan xil kale ama Dowladeed ama gaar ahaaneed mudada ay xilka hayaan”

Qodobka 125aad xilka iyo awooda Ra’isul wasaaraha:- Faqrada 1aad {C}, {D} iyo {E} halaga saaro waxaa iska leh awoodahaas Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 133aad Nidaamka Maxkamaha dalka:- Halaga dhigo “Garsoorku wuxuu noqonayaa laba heer oo ah heer Federaalka iyo heer dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka, waxaa ka dhaxeynaya Maxkamada dalka u saraysa oo heer Federaal ah, iyadoo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ay yeelan doonaan Maxkamad Sare oo iyaga u gaar ah, arrintan ayaan waafaqsan nidaamka dowladaha Federaalka ee caalamka ka jira, dowladda Federaalka waxay yeelan kartaa maxkamado shuruucda hay’adaha u gaarka ah dowladda Federaalka lagu qaado.

Qodobka 141aad: Magacaabista Garsoorayaasha:- Qodobkani wuxuu ka hor imaanayaa nidaamka Garsoorka ee Federaalka ah oo labo u qeybsama, kuwas oo kala heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maxkamadaha dalka waxay noqonayaan badidoodu heer Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, sida Maxkamada Sare, Maxkamada Darajada Koowaad, Maxkamada Gobolka, iyo Maxkamada Degmada, dowladda Federaalka waxay yeelanaysaa Maxkamadda u sareysa dalka oo ah Rafcaanka u sareeya dalka iyo Maxkamada Dastuurka Federaalka ah, Fiiro gaar ah wixii intaas ka baxsan oo Maxkamadaha ah waa in laga saaraa dastuurka, qodobada 133-145 ee ka hadlaya garsoorka Qaabdhismeedkiisa, magacabistiisa iyo xilgudashadiisa waa in laga wada hadlaa oo la waafajiyaa nidaamka awood qeybsiga Garsoor Federaalka ah.

Qodobka 147aad: Samaynta Guddi Madaxbannaan:- Qodobkan haloo qoro sidatan “Waxaa jiri doona Guddiyo madaxbanaan oo heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waajibaadkooda, xilkooda iyo tiradooda waxaa lagu qeexayaa xeer gaar ah oo laga ansixiyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo la tixgalinayo duruufaha gaarka ah oo Guddiyadaas loo xilsaaray, xubnaha ka qeybgalaya waa in lagala tashada awoodna loo siiyaa inay ka qeybqaataan Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Somalia, tusaale Guddiga Isucelinta hantidii la kala dhacay, Guddiga Caasimadda, Guddiga Xuduudaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo wixii kale oo si gaar ah u khuseeya dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, wixii intaas lid ku ah halaga saaro.

Qodobka 148aad magacaabista Guddiyada:- Halaga dhigo sidatan Magacaabidda Guddiga Madaxbanaan waxaa soo jeedin kara dowladda Federaalka ama Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxaana ansixinaya Baarlamaanka Federaalka {labada aqal}, haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacaabidda Guddigaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Federaalka, si uu u saxiixo, halaga dhigo sidatan “Sharciyada gaarka ah ee guddiyada madaxbannaan iyo magacyada xubnaha waxaa soo jeedinaya dowladda Federaalka ama dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, oo arrinta Guddiga loo saarayo si gaar ah u khusayso”.

Qodobka 149aad: Shuruudaha Xubnaha Guddiyada Madaxbannaan:- Halagu badalo “Waa inuu leeyahay aqoon iyo khibrad la xiriirta Guddiga loo magacaabay howsha ay qabanayaan halagu daro waa inuusan ka qaybqaadan dambiyadii dalka ka dhacay, mudada uu jirayo guddigan Farqada 1aad halaga saaro, sababtoo ah muddada Guddiga waxaa lagu cadeenayaa Xeerka lagu magacaabo Guddi kasta {Terms of reference}, Faqrada 2aad halaga saaro hana lagu cadeeyo Xeerka guddi kasta {terms of reference}.

Qodobka 151aad xil ka qaadista Guddiyada:- Faqradaha 3aad iyo 4aad halaga saaro sababtoo ah waxay ka horimaanayaan nidaamka Garsoorka lamana sameyn karo Maxkamad gaar ah

Qodobka 152aad waajibaadka warbixinta:- Halaga dhigo sidatan “Iyadoo muddada howlgalka Guddi kasta ay kala gedisnaan karto, waxaa laga rabaa in Guddi kasta soo qadimo warbixin ku saabsan waxqabadkiisa mudada uu jiro si looga go’aan qaato, {Progress report and final report}, qodobada kale ee ku saabsan Guddiyada Madaxbanaan oo intan ka dambaysa halaga saaro dhammaantood, waana tafaasiil iyo iska horimaad aan loo baahneyn.

Qodobka 153aad Ku dhaqanka qaybtan:- Halaga saaro qodobkaan sababtoo ah arrimahaan waxay ku xusan yihiin Qodobka 148aad ilaa 152aad. Waa tafaasiil iska horimaanaysa iyo isku soo noqnoqod khaldaya qodobadii hore {148aad ilaa 152aad} sidaa darteed halaga saaro Qabyo-qoraalka.

Qodobka 154aad: Xafiisyada Madaxbannaan:- Qodobkan sida uu u qoran yahay ma cadda eray bixintiisa iyo ujeedda qodobkaan midna sidaa darteed halaga dhigo sidatan, “Waxaa jiraya hay’ado madaxbanaan oo ay yeelanayaan dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida Garyaqaanka Guud, Hantidhowrka Guud, Bangiga dhexe, diyaaradda Soomaaliya {National flag airline} iyo wixii kale oo haboonaada oo Heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Somalia.”

Qodobka 159aad shaqaalaha dowladda ee rayidka ah:- Faqrada 2aad sidaan haloo qoro: “Waxaa jiraya Guddiga Shaqaalaha Dowladda ee Rayidka ah Heer Federal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka Dowladda Federaalka.

Qodobka 161aad ilaa Qodobka 163aad oo ka hadlaya dastuurada dowlad goboleedyada:- Qodobada 161aad, 162aad iyo 163aad oo ka hadlaya arrimaha dastuurada Federaalka iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka, si ay isu waafaqi lahaayeen ayaan la aqbali karin sida ay qabyo Qoraalka ugu qoran yihiin qodobadaani, maadama dastuurka Puntland loo qaaday afti dadweyne, ahna dastuurka keliya ee dhamaystiran ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka waa in la iswaafajiyaa dastuurka Federaalka iyo Dastuurka Puntland ka hor ansixinta dadweynaha ee Dastuurka Federaalka, sidii looga heshiiyey shirarkii Garowe 1 iyo 2.

Qodobka 163aad wax-ka bedelka dastuurada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka:- qodobkaan looma baahna, sababtoo ah wax ka badalka Dastuurka waxaa iska leh hey’adaha dastuuriga ah ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.

Qodobada 164-179aad iyo qodobka 182aad oo dhamaan ka hadlaya maaliyaddag:- Sida Qodobadaan u qoran yihiin lama aqbali karo waana xaqdarro iyo xadgudub wax qaybsiga awoodaha maaliyadeed ee dalka oo la wada siiyay dowladda Federaalka ah iyadoo waxba loo reebin dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, sida dowladda Puntland si ay ugu fuliso adeegyadii amniga iyo bulshada, qodobkan waa xasaasi waxaa awood u leh dowladaha Federaalka ka mid noqda inay uga heshiiyaan in si cadaalad ku dhisan waafaqsanna nidaamka Federaalka caalamka, waa in qodobadan laga saaraa qabyo qoraalka ama lagu daraa “Inta ay ka soo dhismayaan dowladihii kale ee ka mid noqon lahaa Jamhuuriyadda Federaalka Somalia”, wixii maaliyad ku saabsan oo ku xusan qodobada 164aad 179aad iyo qodobka 182aad kulligood waa in dib uga wadahadlaan ugana heshiiyaan dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 165: Awoodaha Dakhli uruurinta:- Faqrada 3aad weerta ah: “Xukuumada federaalku sharci ayay ugu oggolaanaysaa xukuumadaha dawlad- goboleedyada iyo dawladaha hoose inay uruuriyaan canshuuro, qodobkaani ma aha mid wafaaqsan nidaamka dakhli-qaybsashada ee federaalka ah, Xukuumadda Federaalka ma yeelanayso awood ay iyadu sharci ugu ogolaanayso dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka, balse kala qaybinta dakhliga dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyadoo isu dheelitiran canshuuraha iyo adeegyada dowladahaasi fulinayaan in marka hore lagaga heshiiyo siyaasad dhaqaale ahaan intaan qabyo qoraal lagu soo bandhigin.

Qodobka 180aad Bankiga federaalka:- Faqrada 2aad meesha Maaliyaddu ku qorantahay halagu bedelo lacagta, qodobkan Hay’ad loo xilsaaray keyd qaran ma jiri karto sababtoo ah Hay’adda keliya oo keydka qaran hayn kartaa waa Bangiga Dhexe oo keliya.

Qodobka 184aad suggidda amniga Jamhuuriyadda:- Qodobkaan 184aad ma aha mid u gaar ah Dowladda Federaalka oo kaliya, sida ku qoran qabyo qoraalka, wuxuu noqonayaa mid ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka, ciidamada qalabka sidana ay ku wada jiraan. Tusaale ahaan, waa in qaabka hoos ku qoran loo badalaa Qodobkaan, faqrada 1aad halaga dhigo sidaan {A} ciidamada xoogga dalka oo isugu dheelitiran dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federalka, {B} Booliiska Federaalka iyo Booliiska Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, {C} ciidanka Asluubta ee Federaalka iyo kan dowladaha xubnaha ka ah Federaalka , {D} halaga dhigo Hay’adda Sirdoonka Federaalka iyo kuwa dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, faqrada 2aad adeegsiga ciidamada amniga waxaa lagu sugayaa Sharciyadooda u kala gaarka ah Heer Federaal iyo Heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Qodobka 187aad Hay’adda gardonka {Ombudsman}:- Qodobkan dhaqan-dowladeedka Somalia xilligaan kama shaqayn karo halaga saaro, Hay’adda Gardoonka {Ombudsman} shaqadeeda waxay ka hor imaanyasaa Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud, Maxkamdaha iyo Shuruucda dalka u degsan, sidaas darteed waa in meesha laga saaraa.

Qodobka 188aad amaro sharci darro ah oo cad:- Weerta ah “Xubnaha ka tirsan ciidammada qalabka Sidaa uma hogaansami karaan amar sharcidarro cad ah, qodobkan ma geli karo dastuurka, wuxuu ka mid noqonayaa Xeerka ciidamadda, qodobkaasna waa in meeshlag saaraa.

Qodobka 189aad kormeerka rayidka ee ciidamadda amniga:- Qodobkan cinwaankiisa {Kormeerka Rayidka ee Ciidamadda Amniga} iyo tafaasiisha hoose isma laha waana iska hor imaanayaan dib haloo qoro hana la saxo. Tafaasiisha qaarkeed ee ku qoranna waxay ka mid tahay awoodaha Madaxweynaha qodobka 115aad, fiiro gaar ah qodobkaan wuxuu ka mid yahay meelaha jahwareerka awoodaha hana laga saaro tafaasiisha aan loo baahnayn.

Qodobka 190aad waajibaadka iyo kormeerka xakameynta ciidamadda xoogga dalka:- Qodobkan wuxuu ka hor imaanayaa qodobo ka horeeyay loomana baahna waa in meesha laga saaraa, Tusaale ahaan faqrada 2aad & 3aad wuxuu ka hor imaanayaa qodobka ka hadlaya Ciidamada iyo Waajibaadkooda {Qodobka 184aad} halaga saaro.

Qodobka 191aad waajibaadka ciidanka Booliiska Federaalka:- Qodobkaan wuxuu ka hadlaya shaqo hoosaadkii howlaha Booliska waxaana lagu xusi doonaa Xeerka u gaarka ah Ciidanka Booliska, sidaa darteed looma baahna in dastuurka lagu qoro tafaasiil hoose halaga saaro.

Qodobka 193aad dhismaha iyo waajibaadka ciidanka nabadsuggidda:- Qodobkaan oo ka hadlaya Nabadsugida, halka ay Ciidan ka tahay halaga dhigo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida.

Qodobka 194aad ciidanka asluubta Federaalka:- Qodobkaan oo ka hadlaya Ciidanka Asluubta Federaalka, dalka wuxuu yeelanayaa Ciidan Asluub heerka Federaal iyo Ciidan Asluub heerka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobka 196aad Guddiga adeegga ciidamadda amniga:- Qodobkani wuxuu ka hor imaanayaa qaab dhismeedka Ciidamada, Guddiga noocaan ahna ma jiri karo halaga saaro, adeegga ciidamada waxaa u xilsaaran Wasaaradaha ay hoos yimaadaan iyo Talisyadooda.

Qodobka 197aad: Xaaladda Degdegga ah:- Qodobkan wuxuu khilaafsanyahay qodobka 125 Faqrada 1 {E} ee isla qabyo-qoraalka oo awooda ku dhawaaqista Xaaladda degdega ah siinayay Raysul Wasaaraha, hasa yeeshee aanu iswaafajinay qodobkan oo sax ah iyo qodobka 115aad ee awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Qodobka198aad sharcidejinta arrimaha Nabadda iyo Amniga:- Qodobkan wuxuu ka hadlayaa waajibaad aan cadeyn waa in dib loo qoraa si waafaqsan Qodobadii hore loo soo sheegay ama meesha laga saara.

Waxaa Isku Soo Duway:- Ismaaciil Cumar Madoobe {Caaqil Yare}

Ciidamo Dowladda ka tirsan oo mar kale ku dagaalamay Muqdisho.
Ciidamo ka wada tirsan dowlada KMG Soomaaliya ayaa xalay isku rasaaseeyey Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Tacshiirada ayaa ka danbeysay marki ay weerar soo qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Militariga, kadibna ay rasaas ku fureen Ciidamada Booliska xilli ay aad u buuxeen halkaasi dad rayid ah iyo ciidamada labada Dhinac.

Shalay ayaa goobo kala duwan oo magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay iska hor imaad ay ku dhinteen Askar badan iyo dad rayid ah kuwaasi oo dhex maray ciidanka Booliska iyo Militariga.

Ma jirto wali wax war ah oo ay kasoo saartay dowlada KMG Soomaaliya isku dhacyada maalinti labaad dhexmaraya ciidanka dowlada KMG Soomaaliya.

Askarta AMISOM oo dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay magaalada Baydhabo.
Askarta AMISOM ee dhawaan la geeyey Magaalada Baydhabo ayaa waxay saakay bilaabeen Dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyagoo fariisimo Cusub ka samaytay qeybo ka mid ah magaalada dhexdeeda.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa tibaaxaya in Ciidamada AMISOM lagu arkay goobo cusub oo magaalada bartankeeda ah, kadib markii la kordhiyey tirada Ciidamadaasi si ay ula wareegaan Amaanka Magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka magaalada ayaa sheegay saakay inay ku tooseen Dhaqdhaqaaqyada ay samaynayaan ciidamada AMISOM iyo goobaha ay dageen, si ay ula wareegaan guud ahaan amaanka Magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Itoobiya ee kaabaya kuwa dowladda KMG Soomaaliya dib uga baxayaan Magaalada Baydhabo ee xaruntagobolkaBay.

Si kastaba dhaqdhaqaaqyadan iyo is ballaarinta ciidamada AMISOM magaalada Baydhabo ayaa imaanaya xili Midowga Afrika ay sheegeen inay kordhinayaan ciidamada AMISOM ee la geynayo gobolada dalka Soomaaliya.

Ciidamada Kenya oo qarax khasaare geystay lagula eegtay Xerada Dhagaxley.
Wararka ka imaanayo Xerada Dhagaxleey ee Gobalka NFD qarax ayaa halkaasi ka dhacay kaasi oo lala eegtay gaari ciidamada BoliiskaKenyaay wateen oo ku sugnaa Xerada dhexdeeda.

Dad goobjoogayaal oo ku sugan Xerada dhagaxleey ayaa magaalada Muqdisho waxa ay u sheegeen in ciidamada Kenya lala eegtay qarax xilli ay ku sugnaayeen xerada dhexdeeda waxaana la sheegay in hal askari oo Kenyan ah uu qaraxa ku dhintay iyadoo saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in ciidamada Kenya ay gacanta ku dhigeen dad Soomaali ah oo ku sugnaa xerada Dhagaxleey kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen qaraxa.

Goobjoogaha ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku nool Xerada Dhagaxleey ay soo food saartay walaac xoogan oo ku aadan qaraxaasi dhacay in ay dhibaato kasoo gaarto inkastoo durba qaraxa markii uu dhacay kadib la xirxiray dad Soomaali ah.

Qaraxa lala eegtay ciidamada Kenya ayaa waxa uu ahaa mid lagu aasay dhulka kaasi oo ka dhax dhacay gudaha xerada Dhagaxleey.

Gobalka NFD ayaa muddooyinkii dambe waxa ku soo badanayay qaraxyada lagu weeraro ciidamada Kenya iyadoo dadka Soomaalida ee ku nool gobalka NFD ay cabsi soo food saartay markii uu dhaco qaraxyada caynkaasi oo kale ah.

Si kastaba ha ahatee Soomaalida ku nool gobalka NFD ayaa la kulma xarig iyo jirdilo kala duwan oo ay u geestaan ciidamada Kenyanka ah mar marka qaraxyadan oo kale lala eegto.

Mahiga “lama ogolaan karo in Qaswadayaal ay khalkhal geliyaan Hanaanka Nabada Soomaaliya”.
Ergeyga Gaadhka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa hadal uu ka jeediyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey waxa uu uga waramay xaaldahii u danbeeyay ee Soomaaliya.

“Waxa iminka la soo hooyay guulo la taaban karo,laakiin lama ogolaan karo in Qaswadeyaal ay khalkhal geliyaan hanaanka nabada.

Qaramada Midoobey, Midawga Africa iyo IGAD ayaa ku iyagana ku celiyay digniin ay u jeediyeen kooxo ay sheegeen in ay maleegayaan shir qoolo lagu mijaxaabinayo hanaanka nabadda Soomaaliya.

Ururadaa ayaa sheegay in ay cunaqabteyn doonaan ruuxii ay ku cadaato in uu ku lug leeyahay carqaladeynta nabada Soomaaliya.

Magacyada shan ka mid ah isimada Puntland oo shirka Muqdisho ku haray iyo sababta ay u baxeen xubnihii badnaa.
Shan ka mid ah Isimada Puntland ee kasoo qayb galay shirka Odayaasha dhaqanka ayaa ku haray magaalada Muqdisho waxaana kasoo baxaaya warar kala duwan sababta ay u hareen maadaama intii badnayd Isimadii Puntland ay shalay dib ugu laabteen Garoowe.

Wararka qaar ayaa sheegaaya in ay shirka kasii qayb gali doonaan, halka wararka kalena ay sheegaayaan in ay u hareen dano iyaga u gaar ah oo magaalada kaga xiran.

Issimada ku haray shirka ayaa kala ah;

Burhaan Boqor Muuse (Wakiilka Boqorka Beelaha Daarood)

Ugaas Xassan Ugaas Yaasin

Jaamac Beeldaaje C/laahi

Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax

Suldaan Siciid Cali

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaaya in ay ku adkaysteen in ay kasii qaybgalaan Shirka Odayaasha dhaqanka ee looga hadlaayo soo xulista xubnaha ansixin doona dastuurka Federaalka.

Wasiiru dowlaha Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Dowladdaa Xassan Maxamed Jimcaale ayaa ka sheegay warbaahinta in Odeyaasha rasmiga ah ee ka socda Puntland ay weli madasha joogaan isla markaana beeniyey in ay ka baxeen.

Wuxuuna ku tilmaamay Issimadii  kasoo duushay magaalada Muqdisho in ay yihin xubno ka shaqeynayay Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Issimadii soo laabtay ayaa sheegay in ay usoo laabteen sidii wada tashi loo sameyn lahaa isla markaana ku laaban doonaan shirka markii wax kasta diyaar ahaadaan.

Dagaal qaraar oo ka qarxay duleedka Garbahaarey.
Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab ayaa xalay ka qarxay gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo.

Weerarka ayaa waxaa qaaday ciidamada Xarakada Alshabaab oo ku duulay fariisimo ciidamada dowladda KMG ay u leeyihiin Degmada  Garbahaarey.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ku faafay degmada dhexdeeda waxayna labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga Al-shabaab ay xalay dhowr jiho weeraro uga soo qaadeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Inta la ogyahay dagaalkii xalay waxaa ku dhintay 3 ruux tiro kale oo badana way dhaawacmeen kuwaasoo ah dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiisha Xarakada alshabaab iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya kama hadlin dagaalkii xalay ku dhexmaray Degmada Garbahaarey kaasoo socoday muddo laba saac ka badan.

Si kastaba waxaa saakay dagan xaalada Degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Madaxweyne Shariif oo faahfaahin ka bixiyey Shir ka dhacay Magaalada New York.
Madaxweynaha dowladdaKMG  Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa faah faahin ka bixiyay qodobadii looga hadlay shir uu kaga qeyb galay magaaladaNew Yorkee dalka Maraykanka kaddib shirjaraa,id uu ku qabtay dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxa uu kaga hadlay shirkiisa xaaladda Dalka ka jirta iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in wax laga qabto gaar ahaan dhinacyada ammaanka, Siyaasadda, dib u heshiisiinta iyo guud ahaanba hirgelinta arrimaha marxalada kala guurka ee Road-Mapka.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhanka Ammaanka dowladiisa ay ka gaartay horumar weyn oo ku aadan sugidda amniga Muqdisho iyo gobaladda qaar ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay dhiirageliyaan qabsoomida Shirweyne Qaran oo lagu adkeynayo Midnimadda Soomaaliya taasi oo ah lagama maarmaan si ay nabad buuxda u gaaraan dhammaanba dadka ku nool dhulalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale uu Golaha ammaanku taageero dadaallada ay hada dowladdu wado ee dalka looga saarayo KMGnimada si gaar ahna qorshaha lagu soo xulayo ergada ansixin doonta Dastuurka iyadoo si gaar ahna uu Madaxweynuhu farta ugu fiiqay fulinta ballan qaadyadii dhaqaallaha ee howlaha socda lagama maarmaanka u ah.

Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Shariif  Sheekh Axmed ayaa dalka Maraynkanka waxa uu kaga qeyb galay shir looga hadlayay arrimo badan oo Soomaaliya qeyb ay ka tahay isaga oo Madaxweyne Shariif la kulmay madax kale oo ka tirsan caalamka islamarkaana uu kala hadlay xaalada Dalka Soomaaliya.