Home WARARKA Soomaliya oo ka mid noqotay dalalka laga fuliyey Xukunada ugu badnaa ee...

Soomaliya oo ka mid noqotay dalalka laga fuliyey Xukunada ugu badnaa ee Dilalka sanadkii hore

116
0

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ee Fadhigeeda Dhexe ku yaallo Caasimadda dalka UK ee London ayaa waxay soo saartay Warbixinta Sanadlaha ee Taxanaha dalalka ugu badan Xukunada dilalka ee la fuliyey sanadkii la soo dhaafay ee 2023-kii.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Wadar dhan 1,153 xukuno dilal ah la fuliyey, oo ay u dheer tahay Kumanaan la rumeysan yahay in lagu dilay dalka Shiinaha .

Warbixinta waxaa lagu muujiyey Shanta Waddan ee tirada ugu badan ee Xukunada Dilalka ee dhacay sanadkii hore ee 2023-kii, waxayna kala yihiin: Shiinaha , Iran,  Saudi Arabia, Somalia  iyo Maraykanka  .

Warbixinta Hay’adda Amnesty International waxaa lagu shaaciyey in Shiinaha lagu dilay kumanaan (1000s), Iran waxaa Xukunada Dilka lagu fuliyey ugu yaraan 835 qof, dalka Sacuudiga waxaa lagu dilay 172 qof, halka Somalia la fuliyey ugu yaraan 38 dil, waa sida lagu xusay Warbixinta sanadlaha ee Amnesty International ee Xukunada Dilalka ee dhacay sanadkii hore ee 2023-kii.

Dalka Maraykanka waxaa laga fuliyey 24 Xukuno dil ah sanadkii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Warbixinta Sanadlaha ee Amnesty International waxaa lagu soo bandhigay inay jiraan 5 Waddan oo aan wax Xukunada Dilalka laga diiwaan gelinin, kuwaasi oo kala ah: Belarus , Japan, Myanmar iyo South Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here