Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay in Alshabaab wada hadal ay la galayaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay in Alshabaab wada hadal ay la galayaan

95
0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horraysay xalay si rasmi ah u caddeeyay in aysan jirin wax wada-hadallo ah oo hadda u dhexeeya dowladda iyo ururka Alshabaab.

“Waxaan rabaa in aan halkan si cad uga caddeeyo in aysan jirin wax wada-hadal ah oo anagga iyo Shabaab noo dhexeeya la taagan yahay. Yaan dadka lagu marin-habaabin oo halganka iyo dagaalka aan ku jirno lagu waxyeellaynin”.

“Waxaan rabnaa Alshabaab kuwa Soomaalida ahna in ay u soo noqdaan dadkooda, dalkooda iyo dowladdooda, kuwa aan Soomaalida ahayna in ay na dhaafaan oo ay aadaan meelihii ay ka yimaadeen” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Qofkii raba in uu ka soo noqdo fikirka Shabaab waxaan ku soo dhaweynaynaa gacmo furan waana muujisay dowladda Soomaaliya in ay gacmo furan ku soo dhaweynayso oo ay qaabilayso kuwa ka soo baxa” ayuu sii raaciyay mudane Xasan Sheekh.

Hadalkani ayuu xalay madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo ah oo ku beegan 64 sanno guuradii ka soo wareegtay markii Soomaaliya xorriyada qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here