Home CIYAARAHA Brasil oo maalin cusub oo xus ah u qoondaysay mid ka mid...

Brasil oo maalin cusub oo xus ah u qoondaysay mid ka mid ah ciyaartoydii soo maray

112
0

Maalin cusub oo xus gaar ah ayaa lagu soo daray maalmaha fasaxa iyo xusaska ah ee dalka Brazil.

Maalintan cusub ayaa qorshuhu yahay si loogu xuso loona maamuuso cayaaryahankii ugu weynaa kubbadda cagta ee soo mara dalkaas, Pelé — kaasoo dhintay sannadkii 2022.

Maalinta King Pelé, sida dalkaas looga bixiyey, waxaa la dabaaldegi doonaa sanad walba 19-ka bisha Noofamber.

Maalintaas oo si gaar ah loogu xushay, maalinteedii sannadkii 1969 uu dhaliyey goolkiisii kumaad eee waayihiisa ciyaareed.

Pelé ayaa loo yaqaan Boqorka Kubadda Cagta ka dib markii uu ka caawiyay Brazil ku guuleysiga Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay sannadkii 1958-dii, markaas oo uu jiray keliya toddoba iyo toban sano.

Laba jeer oo kale ayuu Koobka Aduunka la qaaday Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here