Home WARARKA Maamulada Galmudug & Puntland oo Ciidamo  geeyay degaanadii lagu dagaalamay  galbeedka gobolka...

Maamulada Galmudug & Puntland oo Ciidamo  geeyay degaanadii lagu dagaalamay  galbeedka gobolka Mudug

117
0

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay in la kala qaado maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamayay deegaanno ku yaala galbeedka gobolka Mudug.

Wasiirka amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo ka hadlayay munaasabadda miliishiyooyinka lagu kala qaadayay ayaa wacad ku maray in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kooxda isku dayda in ay dhibaato ku noqota heshiiska la gaaray. Waxa uu sheegay in ciidamada isku dhafka ah ay u fasaxan yihiin in ay la dagaalamaan Cidii heshiiska jabisa.

Sidoo kale Wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland Maxamed Faarax oo isna kamid ahaa madaxdii goobjooga u ahayd heshiiska labada dhinac ayaa sheegay in amnga laga bilaabo Goldogob illaa Bandiiradley ay gacanta ku hayn doonaan ciidanka isku dhafka ah.

Colaadda ka taagneyd deegaannada u dhaxeeya Goldogob iyo Bandiiradley ee gopbolka Mudug  ayaa galaafatay nolosha dad ka badan 50 qof, sida laga soo xigtay illo wareedyo deegaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here