Home WARARKA Madaxweyne Qoor Qoor oo soo xiray Shirka Xoojinta wax soo saarka Beeraleyda...

Madaxweyne Qoor Qoor oo soo xiray Shirka Xoojinta wax soo saarka Beeraleyda Galmudug

106
0

Madaxweyanaha Dowladd goboleedka  Galmudug  Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray Shirka Xoojinta wax soosaarka Beeraleyda Galmudug oo maalmihi lasoo dhaafay ka socday Galmudug

Shirkan, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha Galmudug ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye”  iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha Beeraha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya

Shirka ayaa lagu soo bandhigay dallaga kasoo go’ay beeraha Galmudug, ayadoo Madaxweynuhu ku dhiiro galiyay Iskaashatada Beeraleyda Galmudug inay kordhiyaan wax soo saarka.

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed sheekh Maxamuud ayaa qayb ka ahaa Wasiirada Dawlad goboleedyada ee ka qayb galay shirka looga hadlayay xoojinta wax soosaarka Beeraleyda Galmudug oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamreeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here