Home WARARKA Madaxweynaha Jubland oo kulan la qaatay Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka...

Madaxweynaha Jubland oo kulan la qaatay Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika

84
0

Madaxweynahamaamulka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab .

Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell ayaa bogaadiyay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland ee lagu xoreeyay deegaanada joore gaar ahaan deegaanka buulo xaaji iyo deegaanada ku xeeran isagoo xusay in guulaha laga gaaray howlgalladii u danbeeyay ay muujinayaan sida Maamulka Jubaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin Alshabaab .

Waxaa Madaxweynaha Maamulka Jubland  kulanka ku wehelinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here