Ciidanka Daraawiishta Jubland iyo kuwa Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 162-aad ee Kumaandooska danab iyo qaybta 43-aad ayaa kala wareegay Al-Shabaab degaano u dhaxeeya Janaay Cabdalle iyo Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.
Howlgal qorshaysan ayay ciidamada kula waregeen Deegaanada Harboole, Miido, iyo Biibi,iyadoo Howlgalka uu ahaa mid la isku furayo deegaanada gobolka Jubada Hoose.
Ciidamada ayaa inta ay howlgalkan ku jireen burburiyay fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanadaasi.