Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Mesagawey ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay xubin ka tirsan Alshabaab kaas oo lagu qabtay koontaroolka Mesagawey, Ninka la toogtay ayaa ku hubeysnaa qoray AK-47 ah.
Dhinaca kale ciidamada ayaa qabtay 3 gaari oo nuuca layla Calaawi ah oo shidaal waday, waxaana lagu qabtay deegaanka Xuseen cagey, saraakiisha ayaa sheegay inay saarnaayeen dumar Argagaxisada u socday ayna gacanta ku dhigeen.